Xukuumada Muuse Oo Xidhay Afhayeenkii Ururka KAAH

0
Saturday October 29, 2022 - 09:51:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Xidhay Afhayeenkii Ururka KAAH

    "Sidoo kale dadka ay xukuumadu xidhay waxaa ku jiray salaadiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale dadka ay xukuumadu xidhay waxaa ku jiray salaadiin"

Hargaysa (HWN) Maxamed Xuseen Dhabeeye oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii madaxwayne Siilaanyo haddana ah Afhayeenka ururka KAAH ayaa maalintii labaad ku xidhan magaalada Hargaysa.


Sida uu warbaahinta usheegay qof kamid ah qoyska Maxamed Xuseen ayaa sheegay in masuulkan looqabtay qaab aan sharci ahayn, waxaana laga qabtay gurigiisa xili habeenimo ah oo saacadu tahay 12kii habeenimo.



Goobjoogahan ayaa intaasi ku daray inayna ilaa hada ehelkiisu lakulmin Maxamed xuseen.


Ilaa hadda laamaha amaanku ma sheegin sababta ka dambaysa xadhigiisa, sidoo kale-na ururka kaah ee uu afhayeenka u ahaa kama hadal xadhiga mas’uul kani.


 

Intan Dambe xukuumada Muuse Biixi ayaa lagu eedeeyaa inay dad badan xabsiyada ku gurto, inkasta oo dadka xukuumadu xidhaa ubadan yihiin masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani.


Sidoo kale dadka ay xukuumadu xidhay waxaa ku jiray salaadiin.


Loading...
Loading...