Madaxwayne Sheegay In Yurub Sannado Adagi K Soo Fool Leeyihiin
Madaxweynaha dalka
Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa ka digaya inay dalkiisa iyo guud ahaan
qaaradda Yurub "ay ku soo fool leeyihiin, sannado aad u adag”. Madaxweynaha
ayaa khudbad uu jeediyey Jimcihii wuxuu ku sheegay in dagaalka Ukraine, inuu
dalkiisa u horseeday "dhibaatooyinkii ugu darnaa” ee soo foodsaara tan iyo
wixii ka dambeeyey markii ay dib u midoobeen labadii qaybood ee Jarmalku.
Madaxweynaha ayaa
meelaha u tilmaamay ee saamaynta adag ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha
Jarmalka inay ka mid tahay, tamartii oo qaali ah, heerka nolosha oo sarreeya,
iyo heerka saboolnimada oo kordhay. Dhinaca kale madaxweynaha Jarmalka ayaa
muujiyey sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu hareer istaago Ukraine, iyo
weliba gaashaanbuurta NATO iyo Midawga Yurub.
Madaxweynaha Ukraine
Volodymyr Zelenskyy ayaa isaguna sheegay in Ruushku uu in ka badan 30
diyaaradood inuu ku weeraray dalkiisa muddo laba maalmood ah, hase ahaatee
wuxuu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee dalkiisu inay ka hortageen weerarada
"cadawga”, iyaga oo soo riday illaa 23 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaano
Shaheds (Diyaaradaha ay samayso Iran).
Zelenskyy ayaa sidoo
kale sheegay in Ruushku ay qaadeen in ka badan 8,000 oo weerarada cirka ah iyo
illaa 4,500 oo gantaal oo ay rideen. Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in weli
ay dagaalamayaan, ayna soo ridayaan gantaalda iyo diyaaradaha lala soo
beegsado.
Ilaa hadda ma cadda in
uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Khudbadda muuqaalka ah
ee madaxweynaha Ukraine ayaa ku soo beegmaysa 45 guuradii ka soo wareegtay
markii dalkiisa laga xoreeyey ciidamadii Naaziyiinta ee Jarmalka sannadkii
1945, wuxuuna u mahadceliyey ciidamadii Ukraie ee u dagaalamay inay Naziyiinka
ka xoreeyaan dalkooda, isagoo sheegay in sidaas si la mid ah ay Ruushkan
dalkooda uga saari doonaan.
Qaybo ka mida
warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters.
VOA