Askarigii Xildhibaanada Ku Toogtay Jigjiga Oo Ka Hadlay Sababta Uu Xabada Ufuray
Warbaahinta maxalliga
ah ee Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga hadlayay
dilkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga maalintii Talaadada loogu
geystay Juweyriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka
Soomaalida.
Sheekadan ayaa weji
kale yeelatay markii uu askariga lagu eedeynayay dilka Juweyriya isaga qudhiisa
qirtay inuu si "ula kac ah" u toogtay marxuumadda, sida BBC u sheegay
ku xigeenka hogaanka nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey.
Warar dheeraad ah ayaa
kasoo baxaya dhacdadaas oo sababtay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah
dadka deegaanka oo dalbanayay in ay caddaalad helaan qoyska Juweyriya oo ahayd
hooyo 26 jir ahayd oo ka tagtay labo carruur ah.
Waaxda dembi baaristu
waxay sheegaysaa in ninkan isagu dilka geystay uu qirtay in uu falkaas u
geystay si ulakac ah. Maxamed Guurey waxa uu BBC iyo warbaahin kale ba u
sheegay in ninkan dembi ka hor qirtay maxkamada 26-kii bishan oo ahayd
maalintii ku xigtay maalinta uu dhacay dilka.
Si kastaba, ma jirto
ilo wareed kale oo madaxbaan oo arrinkan xaqiijisay, iyadoo aysan warbaahinta
goobjoog u ahayn dhegeysiga dacwada.
Ku xigeenka hogaanka
nabadgalyada deegaanka Soomaalida, Maxamed Axmed Gureey oo BBC-da la hadlay
ayaa sheegay in uu askarigan qirtay in uu dilka isaga geystay.
"Ninkaas booliiska
ayaa gacanta ku haya wuuna xiran yahay wuuna qirtay dilka inuu geystay,"
ayuu yiri Gureey.
Waxa
uu sarkaalkan sheegay in maalintii uu dilka dhacay maalintii ku xigtayba
eedeysanaha la hor geeyay Maxkamadda gobolka
Faafan, maadaama aan la heyn karin wax ka badan 48 saacadood, markii garsoorka
la hor geeyayna uu maxkamadda ka qirtay inuu geystay dilka.
Maxkamadda
ayaa oggolaatay in boolisku ay sii hayaan si loo wado baaritaannada, sida uu
sheegay Gureey. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kiiska eedeysanaha si
rasmi ah loo furi doono maalinta Isniinta ah.
"Muran"
Askarigan ayaa sheegay
in ka hor inta uusan dilka gaysan uu muran dhex maray isaga iyo gabadha
sidaasina uu u toogtay.
"Waan careysnaa oo
hadallo ayaan isdhaafsannay yuu isagu ku andacoonayaa, waan murannay, gabdhuhu
wax bay igu yiraahdeen aanan raalli ka ahayn markaa goor aan xabad ku furay-ba
ma aanan garanayn, saas ayuu hadda ku doodayaa," ayuu yiri Gureey.
Nooma
suurtogelin in aan helno qareenada u doodaya eedeysanaha ka tirsan ciidamada
booliska Itoobiya ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee
magaalada Jigjiga.
Ku xigeenka madaxa
nabadgalyada deegaanka Soomaalida Maxamed Axmed Gureey ayaa sidoo kale sheegay
in ay jiraan askar kale oo la xiran askariga ku eedeysan dilka xildhibaan
Juweyriya, iyadoo ay boolisku weli wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku
ogaanayaan sida ay wax u dhaceen. Dadka la xiran eedeysanaha waxaa ka mid ah
askar kale oo shaqada kula qorneyd maalintaas, sida uu sheegay Maxamed Gureey.
"Ma
jirin cid ku wehelisay falka"
Maxamed Gureey ayaa
dhanka kale sheegay in askarigan uu sheegay in dilka uu kaligii ku ahaa oo
aysan cid ku wehelisay aysan jirin.
"Wuxuu sheegay in
kaligii uu ahaa oo aysan jirin cid kale oo ku wehelisa, xabadahana cidda riday
uu isaga yahay, qofka wax toogatayna uu isaga yahay intaas-na wuu qirtay,"
ayuu Gureey sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa uu intaa ku daray
in weli ay wadaan baaritaannada ay ku hubinayaan arrinkan.
Dilka xildhibaan
Juweyriya Subics ayaa waxaa ka dhalatay caro iyo dibadbaxyo kooban oo ka dhacay
magaalada Jigjiga.
BBC