Afhayeenka Dhaqanka Beesha Arab Oo Ka Hadlay Shirkii Garxajis Ee Burco

0
Friday October 28, 2022 - 18:14:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Dhaqanka Beesha Arab Oo Ka Hadlay Shirkii Garxajis Ee Burco

    "Waxaanu gebi ahaanba taageero buuxda siinay todobadii qodob ee laga soo saar shirkaas"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu gebi ahaanba taageero buuxda siinay todobadii qodob ee laga soo saar shirkaas"



Hargaysa (HWN) Afhayeenka dhaqanka ee beelweynta Arab Caaqil Abdillahi Mohamed Ali ayaa uga mahadceliyay Salaadiinta Beesha Garxajis, isagoo uga mahadceliyay soo dhawayn uu sheegay in si meqaamsare ah ay ugu soo casuumeen xidhitaankii shirka

 

"Mahadnaq iyo Taageero

 

Anigoo ku hadlaya afka dhaqanka beesha Arab ee ka qayb gashay shirweynihii (Dalwanaaje) ee beelweynta Garxajis kaga tashanayeen xaalada uu wadanku galay iyo mustaqbalka wada noolanshaha ummadda Somaliland kaas oo shalay 27 Oct  lagu soo gabogabeeyey Hotel Kaafi Burco.

 

waxaan uga mahad celinayaa saldanadda guud ee beesha garxajis sidii milgaha iyo maamuuska laheyd ee meeqamkeedu sareeyey ee ay noo casuumeen shirweynahaas.

 

Waxaanu gebi ahaanba taageero buuxda siinay todobadii qodob ee laga soo saar shirkaas oo aanu u aragno mid lagu badbaadinayo sharciga iyo wada lahaanshaha dalkaā€¯ Afhayeenka dhaqanka ee beelweynta Arab Caaqil Abdillahi Mohamed Ali

 

Salaadiin uu kamid yahay saldaanka guud ee Arab Ayaan ka qayb gelin xidhitaankii shirka Garxajis ee shalay kusoo dhamaaday Magaalada Burco


Loading...
Loading...