Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shabeel Lagu Dilay Degmada Salaxley

0
Friday October 28, 2022 - 18:11:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Shabeel Lagu Dilay Degmada Salaxley

    "Agaasimaha Waaxda Duurjoogtu waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Agaasimaha Waaxda Duurjoogtu waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay"

 


Hargaysa (HWN) Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland ayaa war ka soo saartay Shabeel dhawaan lagu dilay deegaanka Higlo oo ka tirsan Degmadda Salaxley ee Gobolka Maroodi-jeex.

 

Agaasimaha Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Cabdinaasir Xuseen Siciid oo u warmayey Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah dadka ku eedaysan in ay dileen shabeelkaasi , kaas oo uu sheegay in aanu wax dhibaato ah gaysan , balse uu dhawaac fudud u gaadhsiiyey hal qof oo shacab ah markii ay dadka deegaanku weerareen.

 

Cabdinaasir Xuseen Siciid ayaa intaasi ku daray in ciidanka booliska ay ku dabo-jiraan eedaysanayaal kale oo door ku lahaa dilka shabeelkaasi, kuwaas oo uu sheegay in sharciga la marin doono, isagoo xusay in shabeelkaasi uu ka yimi dhinca waqooyi sida ay u xaqiijiyeen dadka deegaanku.

 

Agaasimaha Waaxda Duurjoogtu waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in maadaama oo duur-joogtu ay tahay kheyraad dalku leeyahay in duurkeeda lagu ilaaliyo isla-markaana aan loo gaysan wax dhibaatada, qofkii arkay duur-joog la dhibaataynayaana uu ku wargaliyo maamulka ugu dhaw ee deegaanka uu jooga si talaabo looga qaado.


Loading...
Loading...