Xildhibaan Maydhane Oo Ka Hadlay Shirka Beesha Garxajis
Hargaysa (HWN) Xildhibaan
Mukhtaar Maydhane oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay go’aamada
ka soo baxay shirkii beesha Garxajis ee ka qabsoomay Burco iyo Sidoo kale geedi
socodka ururada siyaasada Somaliland, waxaanu xildhibaanku arimahaasi kaga
hadlay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
Waan soo dhawaynayaa
Shirka Dal-Wanaaje ee maanta la soo afmeeray. Waxaan ka xumahay in ilaa hadda
weli aynaan xallin khilaafkii ka aloosnaa doorashooyinka. Waxaan rajaynayaa in
lagu soo afmeero khilaafkaas sida ugu degdeg badan.
Intan hoose waxay ka
shidaal qaadanaysaa qormo aanan weli baahin:
Umuuraha yaabka leh ee
ku kulmay Burco maalmahan waxay ahaayeen shirka Dal-Wanaaje, oo beel ka mid ah
beelaha Soomaalilaan ay kaga arrinsanaysay arrimaha dalka ka taagan, iyo
geedi-socodkii ururada siyaasadda oo maraya gobolkii afraad, Togdheer, ee laga
sameeyo kormeer iyo madaxtirinta ururada. Labo is-diidanna ma aha umuurahaniye,
waa laba dhinac oo Soomaalilaan leedahay. Dhinac waa bulsho ku dhisan beelo, oo
u baahan in sidaa lagu dhawro. Dhan kalena, waa qofaf, xuquuqo gaar u kala ah
kala leh. Labadabana, waa xuquuq qofeed iyo tu beeleedba, waxay u baahan yihiin
in loo dhawro reer Soomaalilaan. Waxana lagu dhawri karaa waa nidaam
isku-dheelitiran oo kala sooran isla markaana xakame isku ah.
Inta cid waliba
tebaysaa waa intaa. Shirkan oo kale iyo siyaabo kaleba way uga soo kala baxday
beelaha Soomaalilaan. Ururadan oo kale iyo siyaasiyiintaba hore waa looga arkay
inay tebayaan furidda saaxadaha siyaasiga ah. Labadan xuquuqoodba waxay ka mid yihiin
inaha had iyo jeer lagu dhigto xeerka koowaad ee aasaas u noqda dalka, waa
Dastuurka’e. Sidoo kalena, wuxuu dhigaa waxa awoodaa lagu ururinayo inta igman
lagaga dabrayo inay ku takri falaan. Qodobada Dastuurka ee intani ku saabsani
waa inay u jideeyaan si waafaqsan waayaha bulshadaas iyo goobta iyo goorta la
noolyahay. Waa halka dib-u-eegista u baahan.
Soo xooriyoo, waxa la
odhan karaa malaha Burco, mar kale, waa halka ay Soomaalilaan ku kulmayso ee ay
tahay inay isula eegto dib-u-curashada qarannimo iyo umadnimo kaga wanaagsan
waxa aan maanta hayno dhinacyada sugidda nabadgelyada, horumarka, cadaaladda,
yuhuunta iyo kalsoonida dadka iyo hay’adaha Soomaalilaan. Hawsha weyn ee taalna
waa Dastuurka oo la waafajiyo si uu gundhig ugu noqdo waxa aan hagaajiya
isleenahay"
W/Q: Xildhibaan
Mukhtaar Maydhane.