Abaarta Soomaaliya Oo Kasii Dareysa Maalinba Maalinta Ka Danbeysa

0
Friday October 28, 2022 - 10:57:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaarta Soomaaliya Oo Kasii Dareysa Maalinba Maalinta Ka Danbeysa

    "Waxay intaa ku dartay inay gashay safar inta badan uu ahaa lug"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay intaa ku dartay inay gashay safar inta badan uu ahaa lug"



Abaarta ka jirta Soomaaliya, ayaa ah mid ka sii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo ay noqotey cabashada shacabka mid xad dhaaf ah.

 

Dadka qaar ayaa waxaa abaarta u dheer colaad, ay sheegeen in xaaladda ay uga sii dartay.

 

Dagaalada ka socda gobolka Hiiraan, ayaa waxay sababeen in qaar ka mid ah dadka degaanadaasi ay ka qaxaan guryahoodii.

 

Xaliimo Cusmaan Maxamuud, ayaa waxay tahay dadka ku barakacay dagaalka kasocda gobolka HIiraan. Xaliimo ayaa waxay kasoo barakacday tuulada Yasooman ee hoostagta degmada Buulo-Burde, ee gobolka Hiiraan.

 

Waxay intaa ku dartay inay gashay safar inta badan uu ahaa lug, iyadoo ugu dambeyna soo gaartay magaalada Baydhabo.


Loading...
Loading...