Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Askariga Rasaas Furay

0
Friday October 28, 2022 - 10:27:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Askariga Rasaas Furay

    "Eheladii iyo qaraabadii dhibku gaadhay waa loo tacsiyeeyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Eheladii iyo qaraabadii dhibku gaadhay waa loo tacsiyeeyay"


Hargaysa (HWN) Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay dil iyo dhaawac dad loogu gaystay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga.

 

Madaxwaynaha oo arinkaasi ka hadlaya ayaa sheegay in shacabka  Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay ka baxeen dulmigii iyo gumaysigii, maantana ay diidaan wixii gardaro ah ee loola yimaado.

 

"Waa wax lagu diirsado soo noolaanshaha damiirka shacabka deegaankeena oo maanta maraya in uu ka dhiidhiyo dhacda walba oo uu u arko inay tahay gardaro. Waa himilooyinkii halganadii dheeraa ee lagu jiray in dadku ka baxaan dulmi iyo duleeysi. Mana dhibsanayno wixii dareen iyo dardaaran ah ee ama cadaalad loogu raadinayo cid dulman ama lagaga falcelinayo xadgudub lagula kaco muwaadin shacabkeena kamid ah.

 

Sidaa oo ay tahay waxaa mar walba haboon in aan is xusuusino in rabitaan shacab oo aan jiheeysnayn ama dareen ayna tab iyo xeelad la socon uuna meelna ina gaadhsiinayn. Waxaa caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa taaganba lagaga bixi karaa fahan fiican, muwaafaqo iyo Samir.

 

Dhacdadii shalay ee dilka Xildhibaan Juweriya sida looga falceliyay waxay makhraati ka tahay isabadalka ka dhacay deegaanka iyo soo noolaansha damiirka muwaadiniinta. Shacabku sida uu uga xun yahay gardarada cod dheer iyo mid hooseba wuu ku gudbiyay dareenkiisa. Eheladii iyo qaraabadii dhibku gaadhay waa loo tacsiyeeyay; gacan-ku-dhiiglihii gacanta sharciga ayuu ku jiraa; intii dhaawacantay waa lala dadaalay. Wixii dhiman ee ah in caddaalad ay hesho marxuumaduna sidii la balan qaaday heellan ayaa loo yahay.

 

Intaa marka laga tago doodo gacma daalis ah ama lugooyo ah in dadka lagu wareeriyo maaha.

 

(1) Hay’adaha Federalka hanaga baxaan waxaa ka haboon hay’adaha Federalka aan galno oo wax ku yeelano. Hay’adaha amaanka ee dalka aan jaar ka nahay ee Kenya maanta cidda ugu sareeysa ee xukunta waynu wada ognahay: wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Booliskaba.

 

(2) Dambiga uu galo shaqsi dambiile ihi maati aan waxba galabsan aano aan ugu layno waxaa ka haboon dambiilaha sharciga hala mariyo.

 

(3) Meherado aan jajabino iyo caasimadeena aan gubno waxaa ka haboon nidaamka iyo kala dambaynta inagoo ilaalinayna aan xaqeena iyo xuquuqdeena raadsano.

Dhagax la tuuro iyo dukaano la gubo kuma xoroobayno.” Ayuu yidhi Madaxwaynuhu


Loading...
Loading...