Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab Oo La Sheegay Inay Halis Ugu Jirto Xanuunka Jadeecada Iyo Daacuunka

0
Friday October 28, 2022 - 10:01:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab Oo La Sheegay Inay Halis Ugu Jirto Xanuunka Jadeecada Iyo Daacuunka

    "Qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ayaa ka yimid koonfurta Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ayaa ka yimid koonfurta Soomaaliya"

 

 

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay Khamiistii in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya inay halis ugu jiraan inay ka dilaacaan xanuunka Jadeecada iyo daacuunka, xilli kumanaan qaxooti cusub ahi ay soo gaadhayaan xeryahaas, kuwaas oo ka imanaya Soomaaliya.

 

In ka badan 233,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool saddexda xero qaxooti ee aadka cidhiidhiga u ah.

 

Kooxda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaano MSF, ayaa sheegay in tan iyo bishii January ay aad kor ugu kacday dadka ka soo cararaya abaaraha, gaajada iyo xasaradaha ee soo gaadhaya xeryahan.

 

Qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ayaa ka yimid koonfurta Soomaaliya, halkaas oo jadeecada iyo shuban uu dhowaan ka dillaacay, sida ay sheegeen masuuliyiinta hay’adda MSF.

 

Ku xigeenka madaxa barnaamijyada MSF u jooga dalka Kenya Andrian Guadarrama, ayaa khamiistii ka sheegay Geneva, in qaar badan oo ka mida qaxootiga cusub ee soo gaadhay xeryaha Dhadhaab, inay qaabileen dadkii hore ugu sii noolaa xeryahan, hase ahaate wuxuu sheegay inay jiraan kumanaan kale oo ku nool hareeraha xeryaha, isla markaana xaaladoodu ay aad u liidato.

 

Wuxuu sheegay in toddobaadkii hore ay MSF diiwaangelisay illaa saddex xaaladood oo jadeeco ah iyo laba qof oo looga shakisan yahay xanuunka daacuunka oo laga helay xerada qaxootiga ee Dhagaxley.

 

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa todobaadkii hore soo saartay digniin ku saabsan xanuunka daacuunka ka dib markii la xaqiijiyay 61 xaaladood oo illaa lix gobol ah.


Loading...
Loading...