Militariga Itoobiya Oo Lagu Eedeyay Inay 60 Qof Ku Dileen Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Oromada
Jabhadda mucaaradka
Oromada ee OLF iyo kooxda hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army
(OLA) oo saldhiggoodu yahay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay
ciidanka inay ku dileen boqollaal qof oo rayid ah duqeymo cirka ah oo ay ka
geysteen gobolka, xilli uu dhawaan furmay wadahadal nabadeed oo looga hadlayo
colaadda Tigrayga.
Wakaaladda wararka ee
Reuters ayaa la hadashay qof rayid ah oo ku sugan Oromiya, oo ku taalla
galbeedka Itoobiya, kuna hareeraysan caasimadda federaalka ee Addis Ababa, kaas
oo sheegay in uu goobjoog ka ahaa weerar dhinaca cirka ah oo Axaddii lagu dilay
illaa 60 qof oo uu ku jiro adeerkiis.
Gobolka Oromiya oo ay
ku nool yihiin qoomiyada ugu badan ee dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka
badan 40 milyan ayaa waxaa sanado badan ka socday rabshado ka dhashay
xaqiraadda iyo dayaca dowlada federaalka oo xiliyada qaar ku cadaadin jirtay
gobolka.
Xukuumadda iyo
afhayeennada ciidamada ayaan wax jawaab ah ka bixin Khamiistii codsiyo ah inay
ka hadlaan eedeymaha uga yimid jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF iyo kooxda
hubaysan ee ka goosatay ee Oromo Liberation Army (OLA).
Dhinaca kalena,
wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee
TPLF ayaa kasii socda dalka Koonfur Afrika. Wadahadalladan oo ay garwadeen ka
yihiin Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya oo taageero ka
helaya Eritrea ay u muuqdaan kuwo guulo ka gaarayo furimaha dagaalka.
Ezekiel Gebissa oo ah
aqoonyahan u dhashay Itoobiya, ahna bare Jaamacadda Kettering ee gobolka
Michigan ka dhiga taariikhda iyo daraasaadka Afrika ayaa weriyaha VOA James
Butty u sheegay inay calaamad wanaagsan tahay in labada dhinac ay
wadahadlayaan, isla markaana aan la aqbali karin wax ka baxsan joojinta
dagaalka.
VOA