Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Ku Guulaystay Inay Madaxdhaqameedka Arab ka Baajiyaan Shirkii Garxajis

0
Thursday October 27, 2022 - 17:44:39 in News by Abdi Good
  • Visits: 2938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Ku Guulaystay Inay Madaxdhaqameedka Arab ka Baajiyaan Shirkii Garxajis

    Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Ku Guulaystay Inay Madaxdhaqameedka Arab ka Baajiyaan Shirkii Garxajis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Ku Guulaystay Inay Madaxdhaqameedka Arab ka Baajiyaan Shirkii Garxajis
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

Xukuumada Muuse Biixi ayaa dedaal iyo lacagba ku bixisay inaanay madax dhaqameedka beelaha Arab ka qaybgelin xidhitaanka shirkii beelaha Garxajis ee Burco ka dhacay.

Wasiirada arimaha dibeda, beeraha, wasiir ku xigeenka caafimaadka, xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa iyo xildhibaan Maxamed Raamboo oo Kulmiye ka tirsan oo ay weheliyaan Xubno kale ayaana ku guulaystay inay madax dhaqameedka ku qanciyaan qorshaha uu Muuse Biixi u soo dhiibay oo kutalagalkiisu ahaa inaanay ka qaybgelin xidhitaanka shirka Garxajis.

wararku waxay sheegayaan in cudurdaarashadii madaxdhaqameedka Arab ay kaga baaqdeen shirkii martiqaadka ay ka heleen ee shirka Garxajis uu ahaa mid ay ku lamaanayd qorshaha ay xukuumadu kaga baajisay ka qaybgalka shirka Burco.

dhaqaale kooban iyo balanqaadyo la xidhiidha fulinta hawlo ay dalbadeen ayey wararku sheegayaan in layskugu daray qaar ka mid ah madaxdhaqameedka.

sida sawirkan hoose cadaynayo, mid ka mid ah kulamadii shirka Garxajis lagaga baajinayey madaxdhaqameedka Arab ayaa ka qabsoomay guriga Ugaas Axmed Maxamed Siciid.


Loading...
Loading...