Bogaadin Ayay Mudan Yihiin Shaqaalahani.

0
Wednesday October 26, 2022 - 10:03:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bogaadin Ayay Mudan Yihiin Shaqaalahani.

    AKhri qoraalkan hoose oo uu qoray Cabdilaahi Faarax Jaamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKhri qoraalkan hoose oo uu qoray Cabdilaahi Faarax Jaamac.


 


Waxay ahyd dhacdo dareen xambaarsan  Abaaro 10:00 PM ama Habeenimo waxaa gobolka saraar ka baxday gaadhi Ampulace ah oo loogu tala galay gargaarka degdegaa Gaadhi gaasi wuxuu doonay gabadh  foolanaysa Magaalada higlo oo hoos timaada gobolka saraar kaga beegan dhinaca galbeed una jirtan 80 KM Alle amar kii wuu soo qaaday hooyadii foolanaysey  Roob iyo madow iyo dhul jilcay  Gaadhi gaasi wuu galay wuuna bixi kari waayey .

 

12:00 PM habeenimo wuu noo sheegay inuu galay gaadhi gii kuna jiro meel aanu ka bixi karayn hooyadii foolanaysayna ay saaran tahay team ka yagii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waanu baxnay sidii ugu dhaqsaha badnayd anoo go aan ka yagu yahay hooyadaa iyo ilmahaa yar inaanu kala bad baadino oo u gurmano.

 

Alle amarkii markaanu gaadhnay inyar u jirnay meeshuy ku jiray meel u dhow anaguna waanu galnay Waxay noqotay inaan lugayno oo aadno haadhiga Ampulace sidaanu uga saarno dadaal dheer ka dib waanu ka saarnay lkn dhulkoo jilicsan dibay u gashay Waagu wuxuu noo baryay anagaan seexan jadiidna naga degin roob xoogana na hayo  Subixii waxaa noo soo gurmaday 6 gaadhi oo ay ahaa yeen team caafimaadka alle amarkii  lixdii gaadhina waa gashay  Mid walba waxaa ka go an siday u qaadi lahaayeen hooyadaa una gaadh siin lahaayeen goob caafimaad Waxaanu isla garanay inaanu qaadno maa daama aanay awr gawaadhi midna aanu soo geli karayn.

 

Waxaanu ku qaadnay caw taas oo aanu isla qabanay  Si aanu u gaadh siino laamiga oo noo jira 20 KM magaalada gaatama Alx alle ayaa mahad leh waanu gaadh siinay da'daal badan ka bacdi  Waxaanu ka saarnay Ampulace diyaar noogu ahayd Waxaa la geeyey hospital,   Alle amarkii hooyadaas aanu sadexda caana maal ugu jirnay si aanu u gaadh siin lahayn hospital ka  Waxaa alle ku irsaaqay wiil yar wuxuuna ku dhashay Ainabo General Hospital.

 

Daalkii badnaa iyo rafaad kii badnaa waxaanu ku ilaaway hooyadaas oo team caafimaadku u fidiyeen gar gaar  Meel kastoo ay joogaan shaqaalaha waynaha wasaradda horumarinta caafimaadka waxaan idin kula dardaar mayaa inaad da daal kaad wadaaan halkaa xoog uga sii wadaan  Shaqo adag baad haysaan alle ayaa ajar iyo xasanaad idka siinaya da daal kiina sii jibaara

 

Sat by Abdilaahi faarah Saraar Regional Health management information systems officer


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...