Fannaan Soomaali Ah Oo Gabar Jarmal Ah Intuu Jeclaaday Luuqaddeeda Ugu Heesay Iyo Wixii Uu Kala Kulmay

0
Tuesday October 25, 2022 - 08:18:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaan Soomaali Ah Oo Gabar Jarmal Ah Intuu Jeclaaday Luuqaddeeda Ugu Heesay Iyo Wixii Uu Kala Kulmay

    "Markii aan waddankeyga Soomaaliya joogay ayaan xiiseyn jiray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii aan waddankeyga Soomaaliya joogay ayaan xiiseyn jiray"



Baashe Axmed Jaamac, isagoo qaxooti ah ayuu galay Jarmalka, si la mid ah dhammaan Soomaalida iyo dadyoga kale ee nolol doonka ah, balse waxaa usii dheer in uu hirgeliyay riyadiisii ahayd inuu fannaan noqdo, oo weliba uu ku heeso luuqado ka baxsan Af Soomaaliga.

 

Fannaankan da’da yar, oo dadku intiisa badan ay u yaqaannaan Baashe Delta, waxa uu si caadi ah ugu heesaa luuqadaha Soomaali, Jarmal iyo Ingiriiska, sida uu BBC-da u sheegay.

 

Marka laga soo tago caqabadaha uu la kulmay intii uu hammigiisa ka dhabeynayay, mid ka mid ah qisooyinkiisa cajiibka ah waa in uu luuqadda Jarmalka ugu heesay gabar u dhalatay dalkaas oo uu jeclaaday.

Waa kuma Baashe Delta?

10-kii bishii May ee sanadkii 2002 ayuu ku dhashay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hosse, oo hadda ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Waa fannaan Soomaali-Jarmal ah oo sidoo kalena ah hal-abuur, laxamiiste iyo muusikiiste.

Heestiisii ugu horreysay oo lagu magacaabo "Najma Ina Darwiish” waxa ay soo baxday sanadkii 2019. Mid ka mid ah heesihiisa kale ee sida weyn u caan baxayna waxaa loo yaqaannaa "Lacalla", taasoo soo dhaweyn ballaaran ka heshay baraha bulshada ee uu ugu horreeyo TikTok.

 

Laakiin taas ka hor, markii uu Yurub tagay waxa uu ahaa qof qaxooti ah oo shaqada ugu horreysa ee u taallay ay ahayd inuu is dhiibo oo uu helo waddan uu saldhigto.

 

"Markii aan waddankeyga Soomaaliya joogay ayaan xiiseyn jiray inaan ku biiro fanka, laakiin markii aan Jarmalka imid sharci ma heysanin, awood dhaqaalena ma lahayn,” ayuu yiri.

 

Muddo ka dib ayey u suurtagashay inuu si buuxda u billaabo xirfaddiisa. Hase yeeshee waxa uu soo dhaweyn maxalli ah helay markii uu la yimid qaab cusub oo uu ugu luuqeeyo heesaha af jarmalka ah.

 

"Laxanka ay Jarmalku ku heesaan iyo kan aan innagu ku heesno wey kala duwan yihiin. Badanaa fannaaniinta Jarmalku waxay ku heesaan Raab, marka aniga Raab-kii waan ka duway, qoraalkii hal abuurka ahaa aniga ayaa sameystay, laxankiina waxaan ka dhigay mid Soomaali ah oo luuqaddiina ay tahay Jarmal,” ayuu yiri Baashe.

 

Baashe Delta waxa uu fankiisa markii hore xoogga ku saaray heesaha loo yaqaanno RnB iyo pop music. Waxa uu ku soo bandhigay meelo kala duwan oo Jarmalaka ka tirsan sida Berlin, Munich , Stuttgart iyo Frankfurt.

 

Gabar Jarmal ah oo uu u heesay iyo waxa uu kala kulmay

Mid ka mid ah heesaha luuqadda Jarmalka ah ee uu qaaday Baashe waxa uu ugu talogalay gabar u dhalatay waddankaas oo uu ka helay, sida uu BBC-da u sheegay.

 

"Gabar Jarmal ah oo aan dusha sare ka jeclaa balse ka mid ahayd saaxiibbadeyda fasalka ayaan hees u sameeyay.

 

"Waan fikiray, waxaan isweydiinayay si aan u ammaano gabadha maadaama ay aad u qurux badan tahay. Ammaan qurux badan baan iska raadinayay maalinba xoogaa ayaan ka qorayay heesta,” ayuu yiri.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay sida uu ugu sheegay in uu iyada u waday heesta iyo fal celintii ay ka bixisay, waxa uuna yiri: "Waan u sheegay in aan heestan ka sameeyay. Runtii wey aamini weysay. Macquul ayey la noqon weysay, waxay ii ballan qaadday iney isoo dhaweyneyso, muuqaal ila duubi doonto oo aan saaxiibtinnimada sii ballaarineyno.”

 

Fannaankan waxa uu ka mid yahay dhallinyarada fanka ee lagala socdo Youtube-ka, daawashada badanna ka hela heesaha ay soo geliyaan.

 

Delta waxa uu noo sheegay in uu dhawaan soo wado hees waddani ah oo uu hadda diyaarinteeda ku jiro.

 

BBC


Loading...
Loading...