Xaaji Masaajidka Ciyaarta Ka Da'a.
Waxaanu ku
tukaneynay masaajid markii salaadii loo
kacay ayuu imaamkii yidhi safafka inoo hagaajiya telefoonadana inaga xidha,
salaadii baa la galay markii meel dhexe la
maraayo ayuu nin da ahaan oday u ah telefonkiisii soo dhacay waxaa ugu duuban
codka hees soomaali ah oo ay qaadayso magool codkeedii cajiibka ahaa ayey ku
dhuftay hees ahayd alaylehe jacaylkii jar buu iga ridee odaygii waxaa ku
adkaatay inuu jaro telefoonka
waxogaa kadib ayuu
iskii u go'ay markii imaamkii salaama naqasaday ayuu si aan loo dareemin si deg
dega masaajidkii uga baxay odaygii.
imaamkii ayaa isna markiiba istaagay oo dadkii
ku canaantay heesaha iyo muusiga ay masaajidka lasoo gelayaan aad buu dadkii u
canaantay ilaa uu yidhi ilahay iyo rasuulkiisu qalbigiina kuma weyna ee heesaha
iyo muusiga ayaa idinku weyn ninkii odayga ahaa waa loo sheegay in la dhibsaday
telefoonkiisa oo xataa imaamkii si adag uga hadlay.
maalin kale ayuu hadana
odayga laftiisii masaajidkii yimi kodhkii uu gashanaa oo sow mobile kiina
jeebkiisa kujiro ayuu meel masaajidka dhexdiisa ah sudhay salaadii ayaa loo
kacay imaamkii wuxuu yidhi safafka hagaajiya mobile ladana inaga xidha salaadii
ayaa la galay sow odaygiibaa lala soo hadlay markale ayey xaliimo khaliif
magool ku dhufatay isla heestii alaylehe jacaylkii jar buu iga ridee jiif iyo
joogba diidee intii salaada lagu jirayba heesto wey iska socotay oo qofkiibaa
dhigi waayey dad badan oo maalintii hore joogay wey garanayeen, in telefoonka
dhacayaa kii odayga yahay markii salaadii laga baxay ayuu odaygii uba dhawaan
waayey koodhkiisii oo meel iska fadhiistay,
salaada kadib dhawr jeer ayuu soo dhacay
laakiin cid sheegata koodhka ayaa la waayey odagu wuxuu sugayaa in marka dadka
oo dhami masaajidka ka baxaan uu qaato koodhka wuxuu fadhiyaba markii labadii
qof ee ugu danbeeyey soo hadheen ayey labadiiba midina seexday midna kitaab
iska akhristay fursadaas ayuu ka faa'iidaystay xaajigii. Masaajidada ciyaarta
ka daaya"
Maxamed Carab
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!