Xukuumada Oo Deegaano Ka Tirsanaa Degmada Sallaxley Ku Dartay Hargaysa
Hargaysa (HWN) Wasaaradda
arrimaha gudaha JSL ayaa si rasmi ah u kala xadaysay degmada Hargeysa iyo Sallaxley Barta
Kaantaroolka dagmada Sallaxley ee taalay duleedka Hargeysa iyadoo u rartay goobta layidhaahdo meterka.
Waxana goobta loo
yaqaano meterka ka dhagax dhigay dhismaha Kaantaroolka kala xadaynta
dagmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley Maamulka gobolka Maroodijeex kan dagmada
Sallaxley Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno kamid ah
golaha wasiirada.
Deegaanada
Toon,Maadhyaal, Xadhig xadhig, Galoole, iyo Jagac ayaa hadda waxii ka dambeeya maamul ahaan hoos tagi doona
caasimadda Hargeysa.
Maayirka caasimadda
Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa halkaasi ka balan qaaday deegaanadan
kusoo wareegay caasimadda ee meterka ka sokeeya oo markii hore hoos tagayay
Sallaxley in waxii xaquuqdooda ah ay ka heli doonaan caasimadda Hargeysa isagoo
mashaariic cusub ka dhagax dhigay Toon isla markaana kormeer ku sameeyay
deeganadaasi.