Dawlada Kenya Oo Shaacisay Sababo Keenay Inay Xidho Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliyaa

0
Wednesday June 12, 2019 - 17:07:17 in News by
  • Visits: 2078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kenya Oo Shaacisay Sababo Keenay Inay Xidho Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliyaa

    Dawlada Kenya Oo Shaacisay Sababo Keenay Inay Xidho Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Kenya Oo Shaacisay Sababo Keenay Inay Xidho Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliyaa


Hargeysa(HWN):-Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay xidhay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Ismamaulka Lamu, waxayna sheegtay in aanay jirin cid ka soo gudbi karta xadka Kayuunga iyo Raaskaambooni.




Kenya ayaa arrintan u sababaysay walaac dhanka amniga ah oo ka jira deegaanadaasi. Waxaanay amartay ciidamada amaanka oo kaliyaata inay gudbi karaan, dhanka kalena waxay ganacsatada isaga gudubta Somaliya iyo Kenya ay ku amratay in aanay xuduudkaas u dhawaan hadii ay xuduuda ka talaabaana laga noqon doono liisamada ganacsiga ee ay haystaan.


Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sabaab ayaa weeraro kala duwan horay uga fuliyay deegaanada Lamu iyo dhanka xadka Raaskaambooni ee Soomaaliya.


Kenya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay soo saaraysay amaro kala duwan oo ay culays ku saarayso Somaliya oo ay isku khilaafsan yihiin xuduuda biyo badeedka, waxaana hada muuqata in Kenya ay awoodeeda oo dhan dul dhigtay in Somaliya ay kala laabato dhamaan macaamilkii labada dal u dhaxeeyay.

 

Loading...
Loading...