Muuse Biixi Oo Iscasilaad Ka Diiday Wasiir Shugri Baandare, Iscasilaad Kalana Ka Aqbalay wasiir Sacad Cali Shire

0
Thursday October 20, 2022 - 22:20:15 in News by Abdi Good
  • Visits: 4017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Iscasilaad Ka Diiday Wasiir Shugri Baandare, Iscasilaad Kalana Ka Aqbalay wasiir Sacad Cali Shire

    Muuse Biixi Oo Iscasilaad Ka Diiday Wasiir Shugri Baandare, Iscasilaad Kalana Ka Aqbalay wasiir Sacad Cali Shire

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Iscasilaad Ka Diiday Wasiir Shugri Baandare, Iscasilaad Kalana Ka Aqbalay wasiir Sacad Cali Shire
Muuse Biixi ayaa wasiir Shugri Baandare ka diiday iscasilaad ay u soo gudbisay.

Waxa lay xaqiijiyey in Muuse Biixi uu ka horyimid iscasilaada wasiirka deegaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo xilkaasi soo haysay ilaa 25 June 2013 oo uu magacaabay madaxweynihii 4aad ee Axmed Siilaanyo.


Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in wasiir Shugri ay markale Muuse Biixi ku celisay codsi ay ku dalbanayso inuu ka aqbalo xil ka tagista ay doonayso iyada oo ku doodaysa inay dhawaan u baxayso safar caafimaad oo ay ku tagay dalka dibediisa isla markaana aanay sii wadi Karin shaqada wasaarada.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu aqbalay iscasilaad uga timid wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo isaguna Wasiir ahaa ilaa 28 July 2010, isku shaandhaynta uu Muuse Biixi damacsan yahay ayaanu ku soo magacaabi doonaa cidii xilka kala wareegi lahayd.

Wararkuna waxay sheegayaan inay suuragal tahay in Muuse Biixi uu wasiirkiisa maaliyada u magacaabi doono Maxamed Kaahin oo uu ka soo badalayo arimaha gudaha halka matalaada Sacad Cali Shire ee xukuumadana uu buuxin doono Jaamac Muuse Jaamac oo uu xil wasiirnimo u magacaabi doono.


Muuse Biixi oo Ciidanka amaanka u adeegsanaya 'cagajuglaynta' Mucaaradka

Loading...
Loading...