Golaha Wakiiladda Oo Bayaamiyay Waxa laga Yeelayo Booskii Uu Baneeyay Xildhibaan Cali Aareeye
Hargaysa(HWN)Guddoomiyaha golaha Wakiilada Soamliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aan Cidina buuxinayn xubinimadii uu ka geeriyooday alle ha u naxriistee xildhibaan Cali Aareeye, oo todobaadkan ku dhintay waddanka Turkiga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay dhammaadeen dhammaan xildhibaanadii kaydka ka ahaa ee xisbigii UDUB ee gobolka Awdal,Waxaana uu ka hadlay waxa laga yeelayo booska uu baneeyay xildhibaan cali Aareeye waxaana uu yidhi.
"Saddex Xisbi Ayaynu Leenahay oo waxa xisbi kastaba jira xildhibaano u soo baxay iyo xildhibaano kayd u ah,markaas nin kasta oo dhinta ninkii ku xigay ayaa soo buuxiya,markaas waxani waa wax ugub ah oo kaydkii xisbigii Udub waa dhamaaday markaas kursiga uu baneeyay xildhibaan cali Aareeye wax kayd ah oo ku qorani majirto Sidaas daraadeed wuu banaanayaa kursigaas xildibaanku ka geeriyooday inta doorashadda cusub laga gaadhayo.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Universal Tv
Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa siiwata.”Xisbi Xisbi looma badali karo oo xisbi waliba isaga ayaa codkiisa leh markaas xildhibaano lays amaahiyaa majirtee xisbi waliba waxa uu leeyahay kayd waxaana kaydka loogu sameeyay waxa weeyi inaan la helin xildhibaan xisbi kale u wareega.
Guddoomiye baashe maxamed faarax ayaa sheegay inaan markii hore sharci loo samayn waxa laga yeelayo xisbiga uu ka dhamaado kaydka xildhibaanadiisu waxaana uu yidhi.
"Markii horena looma samayn sharci odhanaya maxaa laga yeelayaa hadii uu dhamaado kaydka xildhibaanadda xisbiyadda ay leeyihiin,markas sharciga dambe ayaa lagu dari doonaa waxa laga yeelayo hadii kaydku dhamaado.
Xildhibaanadda Golaha Wakiilada somaliland Ayaa La Doortay Sanadkii 2005 tii waana ta keentay in ay dhamadaan kaydii xildhibaanadda xisbiyadii wakhtigaasi doorashadda ka qayb qaatay qaarkood.
Maxamed Jiglan
HadhwanaagNews/Office
Hargaysa/Somaliland