"Haddii La Fulin Waayo Heshiiskii, Khaatumo Way Noqon Anaguna Hindi Soo Shaqo Tagtay Ayaanu Noqon"…Siyaasi Cali Cantar

0
Saturday March 09, 2019 - 00:31:24 in News by
  • Visits: 5765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii La Fulin Waayo Heshiiskii, Khaatumo Way Noqon Anaguna Hindi Soo Shaqo Tagtay Ayaanu Noqon"…Siyaasi Cali Cantar

    Waxaan cadaynayaa in heshiiskii Khaatumo oo lix jeer lagu galay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan cadaynayaa in heshiiskii Khaatumo oo lix jeer lagu galay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Cantar oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in la hirgeliyo heshiiskii hore u dhexmaray somaliland iyo Khaatumo.


Siyaasi Cali Cantar ayaa sheegay inaan ilaa hada la cadayn caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskaas hore u dhaxmaray somaliland iyo Khaatumo waxaanu yidhi "Waxaan cadaynayaa in heshiiskii Khaatumo oo lix jeer lagu galay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, qodobada lagu soo gaba gabeeyey waxa ka mid ahaa in dastuurka la furo oo la helo somaliland la wada leeyahay, taasna waxaad moodaa inaanay dhicin iyada oo la garan la yahay wax suurta galin waayey waayo madaxweynaha maanta joogaa wuu ogaa wada hadalka iyada oo xukuumadii siilaanyo ku soo wareejisay in heshiiskaas la dhamaystiro oo la ogolaado wixiina la fuliyo.”ayuu yidhi Cali Cantar oo u waramay saabtv.

Sidoo kale Cali Cantar ayaa xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay ka war wareegayso hirgelinta heshiiskan waxaanu yidhi "Cali Khaliif Galaydh oo halkan joogaa mudo ayuu hirgelinta heshiiskaas u joogay, xukuumadani hada sanad iyo badh ayey joogtaa laba sanadood ayaana ka soo wareegay inta la cel celinayo, waxa aad loogu baahnaa in dadweynaha Khaatumo la soo dhaweeyo oo somaliland mid ah la helo, waxaanad moodaa in hada loo hanqal taagayo in soomaaliya lala hadlo, soomaaliyana maxaa lagula hadli somaliland ayaan mid ahayne waayo maadaama oo arin lagu heshiiyey oo ay ahayd in sideeda loo qaato garan mayno sababta ay uga war wareegayso xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.”

Siyaasi Cali Cantar ayaa intaas raaciyey "Umad ayaa bari joogta, sadexdaas gobol ee KHaatumo lagu ahaa madaxweynihii khaatumana wuu joogaa waa in la dhamaystiraa heshiiskii haddii kalana waxa iman doontaa in khaatumo dib iskaga noqon doonto intayada yar ee halkan joogtaana aanu noqon doono hindi u soo shaqo tagtay sidii uu sheegay garaad Jaamac, Cali Khaliif heshiiskaas ayuu u joogaa hada xukuumaduna casuumado ayey isku dhaafinaysaa, casuumado umuu imane fulinta heshiiskii ugu dambeeyey ee la galay ayuu doonayaa inuu qaato go’aanadeedii sidaas darteed xukuumadu haka warwareegto waxan yaryar ee ay ku wareegayso dalkana haysku keento oo ha midayso, haday midayn waydana iyada iyo meel xun ayaa is leh.”

Sidoo kale waxa uu baaq u diray cid kasta oo qayb ka ahayd heshiiska hore u dhexmaray somaliland iyo khaatumo "Waxaan u sheegayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dib u heshiisiinta somaliland iyo Khaatumo oo ahayd hay’addo, dawlad iyo dadka xisbiyada inaanay ka hadhin arintaas oo ay ogaadaan ilaa dhamaystirkeeda, iyagana waxaanu ogaysiinaynaa inaanay arintaasi halkeedii wali dhaafin oo ay culays ku saaraan xukuumada maanta joogta.”


Loading...
Loading...