Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi Cusub Magacaabay Iyo Hawsha Uu U Igmaday

0
Wednesday June 12, 2019 - 15:21:30 in News by
  • Visits: 1508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi Cusub Magacaabay Iyo Hawsha Uu U Igmaday

    Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi Cusub Magacaabay Iyo Hawsha Uu U Igmaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi Cusub Magacaabay Iyo Hawsha Uu U Igmaday


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi cusub.

Image result for farmaajo


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo madaxtooyada soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa guddi baadhis ah u magacaabay dagaal dhexmaray ciidamado ka wada tirsan kuwa dawlada, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.


Dagaalkan ka dhacay duleedka Baladweyne ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dawlada federaalka ah iyaga oo kala taageersanaa gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo gudoomiyaha cusub ee la magacaabay.


Dagaalkan oo ay ku dhinteen dhawr qof oo uu ku jiro taliyihii qaybta booliska ee gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane ayaa socday mudo iyada oo ay ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidamada iyo dad shacab ah.


Guddidan ayaa madaxweyne Farmaajo ayaa gudidan uu u wakiishay inay baadhaan dagaalka ka dhacay Baladweyne waxa uu gudoomiye uga dhigay taliyaha ciidamada asluubta Gen Bashiir Maxamed Jaamac iyada oo ay ku jiraan xubno kale oo ka tirsan ciidamada.


Madaxweyne Farmaajo ayaa guddidan ka codsaday inay xog buuxda ka keenaan dagaalkaas sababay dhimashada iyo dhaawaca saraakiisha ciidamada dawlada federaalka ah.


Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa ka taagnaa xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyihii gobolkaasi kaas oo ganafka ku dhuftay xil ka qaadista lagu sameeyey.


 

 

Loading...
Loading...