Wasiir Maxamed Kaahin Axmed Oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay'adda EUCAP. SAWIRO
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay madaxda Hay'adda EU-CAP, taasoo ilaalinta Badaha u qaabilsan Midawga Yurub.
Sidoo labada dhinac ayaa ka wadahadlay joojinta iyo ilaalinta Badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo labada dhinac iska kaashanayaan ka wada shaqaynta amaanka Xuduudaha Badda.
EU-CAP waxaa ka socdey Kanneth Neijnes Madaxa Xafiiska EUCAP ee Somaliland, Jose Mario Kuxigeenka Xafiiska EUCAP, Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay'adaha Siciid Yuusuf Cabdi Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Gender ee Wasaaradda Arimaha Gudaha khaalid Ibraahim Cumar.
Loading...
Loading...