Farsamada Gacantu waa lafdhabata Horumarka Qaranka."Madaxweyne-xigeenka

0
Wednesday October 19, 2022 - 10:02:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Farsamada Gacantu waa lafdhabata Horumarka Qaranka."Madaxweyne-xigeenka

    Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay


Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylici) ayaa sheegay in farsamada gacantu tahay lafdhabarta horumarka qaranka loona baahan yahay sidii loo kobcin lahaa aqoonteeda.


Shirweynihii Waxbarashada Farsamada Gacanta heer Qaran oo shalay furmay ayaa Wasiirka Waxbarashada Axmed Toorno oo hadal ka jeediyey sheegay in ujeedada shirweynuhu yahay siduu uga soo bixi lahaa qorshaha horumarinta waxbarashada farsamada gacanta dalkeena.



Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in kobcinta aqoonta fasamada gacantu dabooli doonto baahiyo badan oo Qaranku leeyahay.


Wasiirada Maalgashiga, Isgaadhsiinta iyo Wasiir-xigeenada Warfaafinta, Caafimaadka & Waxbarashada oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaynu dal ahaan si weyn uugu baahan nahay horumarinta waxbarashada farsamada gacanta.


Suuqa Wasaarada Waxbarashadu ku xisaabtamayso, ee u soo saarayso dhalinyarada baratay farsamada gacantu waa suuqa warshadaha, ayuu yidhi Wasiirka Maalgashigu.


Madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi (Seylici ) oo hadal ka jeediyey furitaanka shirweynaha Qaran ee Waxbarashada Farsamada Gacanta ayaa sheegay in Farsamada Gacatu lafdhabar u tahay horumarka Qaranka.


Md. Saylici ayaa sheegay in dalkeenu cagta saaray waddadii horumarka iyo isbedelka caalamka ka socda ee dhinaca tiknoolajiyada


Haddaynu haysano todoba iskuul oo farsamada gacanta, meel fiican ayeynu taagan nahay aynu ka bilowno, kana sii xoojino ayuu sheegay mudane Seylici.

Loading...
Loading...