Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ka Hadlay Laba Guri Oo Gubtay
Hargaysa (HWN) Ciidanka
Dab-demiska caasimada Hargeysa gaar ahaan ciidamada taliska guud ayaa u
gurmaday guri Jiingad ah oo dab qabsaday kaasi oo ku yaala degmada Gacanlibaax.
Alle mahadii Ciidamada
ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ku fidiyay guryihii kale
ee jaarka.
Ma jirin khasaare
dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi sababay.Sababta dabkaasna waxaa gacanta ku
haya ciidanka Booliska.
Dhanka kale na ciidanka
Dabdemiska Burco ayaa damiyay dab qabsaday guri daar ah oo ku yaala xaafada
Geerash Gaashaamo. Ma jriin khasaare dabkaa ka dhashay.
Ciidamada Dab-demisku
waxay halkan fariin uga dirayaan bulshada inay ka taxadaraan halista dabka,
sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.
Hadii aad dab la
kulanto soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 Shirkadaha Telesom iyo
Somtel.