Ururka SJS oo sheegay in mar kale la xidhay Suxufi Cabdalla Muumin
Ururuka u dooda xuquda
suxfiyiinta Soomaaliya ee Somali Journalists Syndicate ayaa sheegay in
xoghayaha guud ee ururkaas Cabdalle Axmed Muumin ay mar kale qabteen ciidamada
dawladda Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay soo
dhigeen barta twitter-ka ayey ku sheegeen in la qabtay isaga oo doonayey inuu
ka baxo garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo isku dayaya inuu siyaabo
caafimaad u daado Nayroobi, Kenya.
SJS ayaa sheegtay inay
cambaaraynayso tallaabadaas.
Cabdalle Axmed Mumin
ayaa damiin lagu soo daayey maalintii Axadda kadib markii uu xirnaa tan iyo
October 11-keedii.
Dawladda Soomaaliya
ayaan weli dacwad kusoo oogin Cabdalle, inkasto xaakimka maxkamadda gobolka
Banaadir uu dib u dhigay kiiskiisa muddo 45 maalmood ah. Sidoo kale dawladda
Soomaaliya weli kama jawaabin hadalka SJS ee ah in dib loo qabtay Cabdalle
Axmed Muumin.
Dhinaca kale, ururka
suxufiyiinta caalamiga ah ee CPJ ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale
la xiray Cabdalla, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo.
"CPJ waxay aad uga
niyad jabtay inay ogaatay in wariye iyo u doodaha xoriyadda saxaafadda
Soomaaliyeed Cabdalle Axmed Muumin dib loogu xiray Muqdisho. Mas’uuliyiinta waa
in ay si deg deg ah usii daayaan oo ay soo afjaraan dhibaateyntan,” ayaa lagu
yiri qoraal uu ururka soo dhigay twitter-ka.