Duqeymaha Ruushka Oo Koronta La'aan Dhigay Ukraine

0
Wednesday October 19, 2022 - 07:32:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymaha Ruushka Oo Koronta La'aan Dhigay Ukraine

    "Sidoo kale waxaa meesha ka baxday adeegyadii korontada ee magaalada Zhytomyr"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxaa meesha ka baxday adeegyadii korontada ee magaalada Zhytomyr"

 


Ciidamada Ruushka ayaa bartilmaameedsaday xarumaha tamarta ee Ukraine taasoo horseeday in qeybo kamid ah caasimadda Kyiv iyo magaalooyin ay soo wajahdo koronto iyo biyo la’aan.

 

Dacwad-oogayasha waxay sheegeen in labo qof ay ku dhinteen duqeymaha ka dhacay caasimadda.

 

Waxaa la arkayay qiiq iyo uuro madow oo circa isku shareeray gaar ahaan meel u dhaw xarunta koronto ku taalla agagaarka webiga Dnipro.

 

Madaxwynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in boqolkiiba 30 xarumaha korontada ee Ukraine la burburiyay isla markaana guud ahaan dalka uu koronto la’aan noqday.

 

Sidoo kale waxaa meesha ka baxday adeegyadii korontada ee magaalada Zhytomyr iyo galbeedka Kyiv, waxaa sidoo kale la burburiyay labo xarun oo ku yaalla Dnipro.

 

Weerarradan ayaa imaanaya xilli diyaaradaha Drones nooca "kamikaze" ay duqeeyeen caasimadda Ukraine.

 

BBC


Loading...
Loading...