Gaajada Iyo Haraadkii, Xumada Aan La Garanayn, Ayaa Galabta Noo Dheer, Gaabis Yahay Hogaankiina.

0
Tuesday October 18, 2022 - 19:04:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaajada Iyo Haraadkii, Xumada Aan La Garanayn, Ayaa Galabta Noo Dheer, Gaabis Yahay Hogaankiina.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],


Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

Guulow allahayow,Geygii dad iyo maalba,



Gebigiiba waa halis,Gaalo iyo islamkana,


Gurmad kama sugayno,Gawskay qaninen,


Gaajiyo haraadki,Galabtana waxaw dheer,


Gargaarow allahayow,Garanwa xanuunoo,


Xumadiyo gariirlaho,Gam ka siiyey maatida,


Gacan weyne ebboow,Goobo lagu daweeyiyo,


Gobo dhiigo lagu shubo,Geyigaba lagama helo,


Gurmad gaal ma doone,Ka guud qaad allahayow,


Gobaan nahay faqiiroy,Go’doonsheen aduunyadu

,

Gacal kuwii dad noo xigay,Gawracay yidhahdaan,


Geestayada ka soo daya,Iyana meel ma gaadhaan,


Gef walaalkii ruux galay,Guuli way ka dheertahay,


Goor kastaba ha gaadhee,Go’aankaygu wuu iman,


Gedman maayo weligiis,Inuu gaabsho mooyaane,


                Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...