Shirkadaha Koronta Somaliland oo isku Haysta Laydhkii La Doonayay In Laga Keeno Itoobiya

0
Tuesday October 18, 2022 - 18:27:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Koronta Somaliland oo isku Haysta Laydhkii La Doonayay In Laga Keeno Itoobiya

    "Laydhkaa Itoobiya laga keenayo waxa laga dhalinayaa Biyahaa webiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Laydhkaa Itoobiya laga keenayo waxa laga dhalinayaa Biyahaa webiga"


 


Hargeysa, (HWN)- Qaar ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Laydhkii muddoba la hadal hayay in laga keeni doono waddanka Itoobiya ay isku haystaan qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga korontada Somaliland kuwaasi oo mid kastaa doonayso Inay iyadu laydhkaasi Itoobiya inta ay soo qaadato ay dalka ka iibiso.

 

Xildhibaannadan oo shalay dood ka yeeshay xaaladda tamarta Somaliland ayaa ku baaqay in xukuumadda looga baahan yahay in aanay shirkadahaasi gacanta u galin wax koronta ah oo Itoobiya laga keeno haddii ay cidi umadda korintadaasi ka iibinaysana ay iyadu waa xukuumaddee dalka keento oo adeeggaasi bixiso.

 

Dhinaca kale Xildhibaannada Guurtida ee shalay dooddooda dhiibtay ayaa ka hadlay in xukuumaddu si degdeg ah wax uga qabato xadhkaha korontada ee waddooyinka magaalooyinka sida qaabka u daran u buux dhaafiyey kuwaasi oo halis weyn ku ah bedqabka shacabka marar bandanna keena in ay dad ku dhintaan. Waxa ay xildhibaannadu xaaladdan ku tilmaameen in ay tahay magaalooyin dusha ka miinaysan. Halka xubnaha qaarkood ku baaqeen in korontadii xukuumaddu lahayd dib loogu soo celiyo gacanteeda oo ay ka soo celiso shirkadihii ay gacanta u galisay.

 

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Laydhkii la sheegayay in laga keenayo dalka Itoobiya waxa maanta isku haysta shirkado gaar loo leeyahay.

 

Laydhkaa Itoobiya laga keenayo waxa laga dhalinayaa Biyahaa webiga ee ay qabsadeen ee Biyo Xidheenka ah. Talada aan soo jeedinaynaa waxa weeyi haddii laydh innooga immanayo Itoobiya waxaan soo jeedinaynaa in aan shirkado gaar loo leeyahay la siin ee ay dawladdu masuul iyadu ka noqoto oo la timaad laydhkaa. Waa in ay dawladdu iyadu ka iibsato Itoobiya laydhkaasi kadibna Laydhkaasi iyadu ka sii iibiso shirkadaha gaarka ah. Si loogu maamulo laydh jaban oo umaddani hesho. Talada aanu soo jeedinaynaa waa taasi” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase).

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo sheegaya in Somaliland doonayso in ay Itoobiya ka soo jiidato Laydhka ay ka soo saarto biyo xidheenkeeda Abaay kaasi oo dalalka Jabuuti iyo South Sudan hore uga iibsan jireen. Waxaana xogaha soo baxayaa sheegayaan in durba shirkado gaar ahi doonayaan in ay laydhkaasi iyagu soo iibsadaan oo umadda ka sii iibiyaan taasi oo haddii ay dhacdo aan waxba ka baddali doonin qiimaha sare ee bulshadu mar walba kaga cabato korontada oo la sheego in dalkeenu yahay goobaha ugu koronto qaalisan dunida.  Waana ka keentay in qaar ka mid ah xildhbaannada Golaha wakiiladu walaac ka muujiyaan


Loading...
Loading...