Muuse Biixi Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Raaco Talada Mucaaradka
Hargeysa, (HWN)-
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah guddoomiyayaasha urur
siyaasadeedyada dhawaan dalka lagaga dhawaaqay gaar ahaan ururka Halgan ayaa
sheegay in xalka kali ah ee maanta Madaxweynaha hor yaallaa uu yahay in uu
aqbalo talo soo jeedinta xisbiyada Mucaaridka iyo sidoo kale in uu Komishanka
doorashooyinka kula shaqeeyo muddoda ay sheegeen in ay doorasho ku qaban
karayaan oo ah sagaal bilood.
Siyaasi Cali Maxamed
Yuusuf (Cali Guray) oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Labada xisbi ee
mucaaridku waxay sheegeen in haddii inta ka horaysa 13 November aan la helin
heshiis loo dhan yahay aanay markaa u aqoonsan doonin Madaxwayne Muuse Biixi in
uu yahay madaxwayne sharci ah. Marka ay tahay saamilayda ugu muhiimsan
Doorashada Madaxtooyada inta kale wuu jiraa waxay isla ogol yihiin oo ah
muddada uu Komishanka Doorashadu qabsaday ee 9ka bilood ah oo labada xisbi ee
mucaaridka iyo daneeyayaasha caalamiga ah oo dabcan iyaguna qayb ka ah
saamilayda muhiimka ahina ay macquul u arkeen isla markaana ay la waafaqsan
yihiin.
Waxa dhiman keliya Madaxwaynaha
oo isagu dabcan metala xukuumaddiisa iyo xisbigiisa labadaba in uu isaguna
baarigo, si uu meesha uga saaro gebi ahaanba khilaafka siyaasadda ee Somaliland
ka abuuray kala qaybsabaanta wayn iyo iska horimaadyada sababa khasaaraha naf
iyo maalba leh. Hadii madaxwaynuhu xaqiiqada hortiisa taal aanu indhaha ka
qabsanin ee isaguna la qaato taas ayaa noqon karta ama la hubaa in ay tahay
xalkii khilaafka doorashada. Waana runtii ta danta u ah shacbiga Somaliland iyo
madaxwaynaha laftiisaba waayo waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana dan u ah.
Sidaa daraadeed waxa
dadkiisa u dan ah ayaa madaxwaynahana u dan balse sua’aasha malyuun doolarka
ahi waxay tahay sidaa ma u arkaa Madaxwayne Muuse mise maya? Waxaynu kala ogaan
doonaa hadii Allah yidhaa maalmaha ama toddobaadyada foodda inagu soo haya ee
khayr Insha Allah”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).