Proff Samatar Oo Dhaliilay Xidhiidhka Ay Somaliland La Samaysatay Taiwan Iyo Qodobka Uu Cuskaday
Proff Samatar Oo Dhaliilay Xidhiidhka Ay Somaliland La Samaysatay Taiwan Iyo Qodobka Uu Cuskaday
gudoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa dhaliilay xidhiidhka ay somaliland la samaysatay wadanka isaguna ictiraafka raadinaya ee Taiwan.
Proff Samatar ayaa sheegay in xidhiidhka Taiwan ay ka wacan tahay in qadiyada somaliland laga dhaadhiciyo dalka Shiinaha, waxaanu yidhi
"Taiwan Waxba kuma keenayso, iyadii laga yaacay. Beri ayey ahaan jirtay waddankii China ee Golaha Ammaanka codka ku lahaan jirtay. Waxaan 13 Waddan ahayn ayaa maanta Taiwan aqoonsan, intooda ugu badan waa Jasiirro yar yar oo Pacific ku dhow iyo Laatiin Ameerika, kuwaasna lacago ayey siiyaan. Waa laga yaacay baan ku idhi Taiwan. Halkan waxa soo fadhiya Waddan Shiine la yidhaahdo oo bilyan iyo saddex milyan oo qof ah, oo ah dhaqaalihii labaad ee Adduunka ah. Haddii aad xarfad siyaasaddeed leedahay oo waxan aad garanayso. Taiwan haddii aad xoogaa shaxaad ah ka qaadanayso, waa halkeeda. Laakiin waxa weeye in aad Shiinaha soo horfadhiisato ka dhaadhiciso qaddiyadaada.” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater, Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeed Hilaac
![]() |
Loading...
Loading...