Shirka Beelaha Garxajis Maxaa Xiligan Keenay?

0
Tuesday October 18, 2022 - 11:37:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Beelaha Garxajis Maxaa Xiligan Keenay?

    Muuse isaga oo aan tamartii kelitaliye buuro ah lagu noqon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse isaga oo aan tamartii kelitaliye buuro ah lagu noqon


"waxa uu leeyahay doorashadii sharciga ahayd ee madaxtinimada ma qabanaayoā€¯

Shirka beelaha Garxajis ee Burco waxa uu bilow u yahay dib u radinta Somaliland tii lagu heshiiska ahaa. Beelaha kale oo dhami na waa shirayaan.


Dabcan shirarkaas dan baa keentay. Maxaa yeelay ninkii xukunka loo dhiibay ayaa taladii la ambaday.


Muuse isaga oo aan tamartii kelitaliye buuro ah lagu noqon jiray lahayn. Oo aan xataa boqolkii toban na ka haysan, ayuu qorshastay in uu talada keligii isku koobo. Oo dookhiisa uu sharci ka dhigo.


Eeg hadda, waxa uu leeyahay doorashadii sharciga ahayd ee madaxtinimada ma qabanaayo, maxaa yeelay aniga ayaan doonayn.


Hadii mudaharaad dadweyne la sameeyo oo si nabadeed looga hor yimaaddo tayda na, xabad kibir iyo fulaynimo oo bilaa tudhid ah baan dadka aan hubaysnayn ee shicibka ah madaxa iyo dhabarka ka la dhacayaa.


Maxkamadaha hadii aad tagtid oo sharci darada ka dacwootid na, aniga ayaa kuu sii fadhiya oo qaanuun aan dookhayga ahayni ma ka shaqeeyo.


Hadii aad baarlamaanka aadid oo wax xal noqon kara ka soo curisid na, Golaha doofaarada ayaan u fadhiisanayaa oo sharciga ba tanagga xashiishka ayaan ku ridayaa. Wixii aan anigu doonaayo uun baana doonaan.

Hadii ergooyin iyo dhexdhexaadin la galo na, albaabka ba ka furi maayo. Hadii aan ka furo na, waxba ka dhegaysan maayo.


Talada keliya ee saxda ah, ee sharciga ahi waa anigu sida aan jecelahay ee yeel. Hadii kale waan ku yeelsiin.
Sidaas weeye xaalka dhabta ah ee Somaliland manta ku sugantahay. Iyada oo aan laga badbadinin la na khafiifin.


Marka ay sidaas tahay, waa dabiici kolka ay xaajadu dhabaqdo, in wax garadku isu yimaadaan, oo ka arrinsadaan wixii wax-ma-garatadu qarribtay iyo wixii laga yeeli lahaa.
Doodda Muuse ma aha mid la qaadan karo. Xataa hadii ba la qaato na. Waa tii lagu jabaayay.


Waaba intaas uun shirkan sababta keentay. Keligii na ma aha ee beelaha Somaliland oo dhan ayaa gooni-goonidooda iyo si wada jir ah ba u shiraaya.

Beesha Garxajis waxa keenay in ay shirarkaas hormuud u noqoto. Dhib gaar ah oo aan beelaha kale haysan ayaa lagu hayaa. Dulmi iyo adiyad aan wax sabab ah lahayn baana ku socota.


Sidaas darted, dhibatooyinka gaarka ku ah na wax bay is ka weydiinayaan. Kuwa ay dadka la wadaagaan na, beelaha kale ee waddanka ayay kala xaajoonayaan.
Waaba intaas uun".


Xigaasho Maxamed Haaruun Biixi
Loading...
Loading...