Shan bilyan oo telefoon oo sanadkan qashin ahaan loo tuurayo

0
Tuesday October 18, 2022 - 11:09:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan bilyan oo telefoon oo sanadkan qashin ahaan loo tuurayo

    Waxaa lagu qiyaasaa telefoonnada gacanta ee la adeegsado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu qiyaasaa telefoonnada gacanta ee la adeegsado


Sanadkan 5.3 bilyan oo telefoonnada gacanta ah ayaa la tuuri doonaa, sida uuu sheegay ururka la socodka qashinka agabka elektarooniga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo WEEE.


Odoroska ururka ayaa lagu saleeyay xog uu ka helay ganacsiga agabkaas oo muujineysa dhibaatada sii kordheysa ee deegaanka uu ku hayo xashiishka agabka elektarooniga ah.



Waxaa lagu qiyaasaa telefoonnada gacanta ee la adeegsado 16 bilyan oo xabbo dunida oo dhan, inta Yurub taalna saddex meelood meel ayaan la isticmaalin.


Ururka WEEE ayaa sheegay in cilmi-baaristuay muujinayso "buuro" qashinka elektarooniga ah ay gaadhi doonaan 74 bilyan oo tan sanadkiiba marka la gaadho 2030-ka.


Billowgii sanadkan ayay wakaaladda daraasadka Kimistariga ee Boqortooyada Ingiriisku billowday olole lagu doonayay in agabka la tuurayo ee elektaroonigga ah lagaga saaro macdanta ku jirta, si agabka cusub ee la samaynayo loogu adeegsado, iyadoo sheegtay in qalalaasaha ka taagan dunida oo uu ku jiro dagaalka Ukraine uu keeni karo in uu hakad galo soo-saarista macdanta birta ah.


Magdalena Charytanowicz oo la ka tirsan WEEE, ayaa tidhi "qalabkan waxaa ku jira macdan badan oo muhiim ah oo loo isticmaali karo samaynta qalab cusub oo elektaroonig ah sida marawaxadaha, baytariyada baabuurta ama kuwa qabta tamarta qorraxda oo dhamaantood muhiim u ah ilaalinta deegaanka oo aan kaarboon badan ku sii daynayn”.


Ingiirkawaxa haatan guryaha iska yaalla in ka badan 20 milyan oo qalab elektoroonigga ah oo shaqaynaya, hase yeeshee aan la isticmaalin, kuwaas oo qiimahoodu noqon karo 5.63 bilyan oo gini.

bbc/somali

Loading...
Loading...