Qaramada Midoobay Oo Xil Sare Umagacawda Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland
Khartum,- (HWN)-
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi
Yoonis oo loo magacaabay ergay gaar ah oo Nabad ilaalinta ah waddanka Suudaan
kaasi oo ka hawl gali doona wada xaajoodyada nabadeed ee dalka Sudan.
Wararka naga soo
gaadhaya waddanka Suudaan waxa ay sheegayaan in Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii
hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland xilligii xukuumaddii Madaxweyne Axmed
Siilaanyo ayay wararku sheegayaan in Qaramada Midoobay u magacawday Ergay sare
oo nabad ilaalinta ah kaasi oo durba guda galay xilka sare ee Nabad Ilaalinta
looga magacaabay.
Ex. Wasiir Maxamed
Biixi Yoonis ayaa ka soo muuqday warbaahinta Suudaan isaga oo ka qayb galaya
wada xaajooyada dhinacyada Nabad Ilaalinta ee dalka Suudaan isaga, xubno
safaaradaha reer Galbeedka ah, madaxda Suudaan iyo dhinacyada isku haya
siyaasadda dalka Suudaan kulamadaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ka qabsoomay
caasimadda waddanka Suudaan ee Khartuum.
Ergay Maxamed Biixi
Yoonis ayaa kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Suudaan Madaxweynaha
Suudaan iyaga oo sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhinacyada quwadda
siyaasiga ah ee dalka Suudaan six al nabadeed looga gaadho dhammaanba
khilaafyada dalkaasi ka jira.
Ergay Maxamed Biixi
Yoonis ayaa hore uga soo shaqeeyey dalka Suudaan iyo dalal kale oo dibadda ah ahaana
ergay sare oo qaramada Midoobay hore sidan oo kale ugu soo magacawday dalka
Suudaan gaar ahaan markii dhibaatada culusi ka taagnayd Gobolka Daarfuur iyo
goobo kale waxaanu ka tirsanaa xafiiska Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ka
hor intii aanu dalka ku soo laaban oo aanu ka mid noqon golihii wasiirrada ee
xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Foore