Beesha Ciidagale Oo Ka Hortimid Shirka Garxajis & Qodobo Ay Soo Saareen
Inay beeshu kulamo wadatashi ah la samayso beelaha deegaanka Hargeysa
Hargaysa (HWN) Kulan
wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo
Guddida guud ee Sahan barwaaqo ee beesha degta degmadda Salaxley iyo koonfurta
Hargaysa ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Ambassador.
Kulankaas oo daarrana
wadatashi ay beeshu ka yeelatay xaaladda guud ee dalka iyo deegaanka beesha
ayaa laga soo saaray go'aamadda soo socda
1. In aanay beel ahaan
qayb ka ahayn shirka lagu dhawaaqay in magaaladda Burco lagu qabanayo
25.10.2022
2. In la xulo guddi qabanqaabo oo soo diyaarisa
shirweynaha ay yeelanayso beesha degta Degmadda Salaxley iyo koonfurta
Hargaysa.
3. Inay beeshu kulamo
wadatashi ah la samayso beelaha deegaanka Hargeysa
Loading...
Loading...