Wershad Cusub Oo Berbera Laga Hirgaliyey Iyo Fursadaha Shaqo Abuur Ee Ay Wershaduhu Leeyihiin.

0
Wednesday June 12, 2019 - 12:59:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1938
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wershad Cusub Oo Berbera Laga Hirgaliyey Iyo Fursadaha Shaqo Abuur Ee Ay Wershaduhu Leeyihiin.

    Wershaddii Koowaad ee daqiiqda " Soomaaliland Flour Mill,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wershaddii Koowaad ee daqiiqda " Soomaaliland Flour Mill,

ayaa laga hirgaliyey Gobolka Saaxil magaaladdiisa Berbera, Wershadan ayaa noqonaysa Wershad lagaga Maarmo daqiiqdii innooga iman jirtay Dibada Taas oo kor u qaadaysa Waxsoosaarka iyo Horumarka dalka ka socda, waxaannay kor u qaadaysaa sumcadda waddankeena, Wershadan ayaa waxa ka hawlgali doonna shaqaale badan oo muwaadiniin ah, kuwaas oo yarayn doonna shaqo la'aanta baahsan ee dalka ka jirta. 

 

Wershadadan daqiiqda ayaa kor u qaadi doonta dhaqalaaha dalka ee dhinacyadda cashuuraha dhoofinta iyo dajinta ba leh, wershadan waxaa xadhiga ka jari doonna Madexweyne Muuse Biixi iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo.  The Flour Mill  ayaa laga yaabbaa innay sabab u noqoto in maalgashayaal badani ku daydaan Ganacsataddan. 

 

 Ganacatadan ayaa lacag Malaayiin doolar ah galiyey wershadan, iyagoo ujeedkoodu ahaa innay kor u qaadaan horumarka Soomaaliland iyo shaqo abuurka dalkaba.   Hirgalinta  Wershadaha ayaa Soomaaliland ka bilaabmay Sannadihii u dambeeyay iyada oo laga yaabbo in sanadaha soo socda Soomaaliland noqoto Waddankii Wershadaha.  

 

[email protected]

 Rakad Mxd Sultan

   Berbera



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...