Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay

0
Sunday October 16, 2022 - 10:55:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay

    Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay



Todobaadkaan waxa aaad u kordhay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah Kooxaha Burcadda ah ay ugu geysanayaan meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la dilay in ka badan Saddex Ruux.


 

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay kudileen Deegaanka Zwide township Ee Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth) muwaadin Soomaaliyeed oo rooti Gaari ku wareejin jiray.



Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lamagacisa lagu soo koobay Najiib ayaa la sheegay in rag burcad ah oo hubeeysnaa ay weerareen xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay isagoo geeynaya dukaamo uu macaamil la ahaa.


Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay ayaabilaabay baadi goobka burcadii ka dambeeysay dilka toogashada ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.


Sidoo kale shalay gelinkii dambe Kooxo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed kudilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg sida ay xaqiijiyeen ehalladiisa.


Dhinac kale Maalintii khamiista aheyd ee aan kasoo gudubnay Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng, kaas oo lagu magacaabi jiray Hassan Mohamud (Hassan Ever)


Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacay dalka Koonfur Afrika maalmihii la soo dhaafay, waxaana dilalka inta badan ay ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada.

Loading...
Loading...