Xaalada Caafimaad Ee Bulshada Somaliland Oo Laga Dayriyay

0
Sunday October 16, 2022 - 10:32:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Caafimaad Ee Bulshada Somaliland Oo Laga Dayriyay

    In yar aan idinla wadaago hadii aydaan xaqiiqdooda ogayn xaalada dadkeenu ku sugan yahay ee naxdinta badan hadana aan lagu baraarugsanay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In yar aan idinla wadaago hadii aydaan xaqiiqdooda ogayn xaalada dadkeenu ku sugan yahay ee naxdinta badan hadana aan lagu baraarugsanay.


Markad Akhrisato Qoraalkan La Sii Wadaag Asxaabta iyo bulshada kale si ay xaaladan u ogaadan Dadkeenuna ugu bilaaban Dhiig shubid, Taakulaynta danyarta Xanuunka soo ritay een dhaqale haysan iyo ka qayb qaadashada Badbaadintooda oo Dadkeena lagu samata bixiyo .

 

Dad badan oo boqolaal lagu qiyaasay ayay xumadu soo ridaysa waxa cidhiidhi xoog leh ka jiraa in si loo badbaadiyo nafaha Dadkeena aan laga helayn bangiga dhiiga Qaran dhiigaga noocyada dadka aan ku badnayn ee (A-, B+, B-, AB+, AB-, O-) si loogu badbaadiyo oo hadii qof xumadu soo ridato ay noqonayso in qofka ehelkiisu deedayaan dadka dhiiga leh oo mararka qaar dhici karta Hadii ehelkii soo helaan dad leh noocyada dhiigagas in Kayuuga ay ugu jiraan ehelada dadkooda u soo helay dad ay dhiiga uga shubaan bukaanadooda labbada bangi ee ee keliya ee dhiiga lagu shubo ee Hargeysa ay mararka qaar suurta geli waydo in dhiiga la gaadhsiyo bukaankanada dhiig baxaya ama khatarta culus ku sugan oo ay naf baxaan inkastoo Qadarka Rabbi la joojin karin lakiin waa in si uun adeegyada loo gaadhsiya dadka xitaa kuwa aan dhiman wakhti badan oo ay xanuun badan ku jiraan ayuu dhiigi gaadhaya.

 

Waxa khatar kale sii ah in ay adkaato dhiigagas qaar inay horeba u helaan eheladii sidaasna qofka lagu badbaadin kari waayo oo Qadarta Rabbi een la baajin karin ugu timaado iyadoon waxba loo tarin.

 

Noocyada Dhiiga ee (O+ A+) oo dad badan la heli karo iyadana waxa adkanaysa caqabada ah in Bangiyadii ay ku shubayeen dadkii ehelku soo helay Kayuuyada loogu jiro iyo xadiga dadka dhiigaga loo kala shubayo ee badan awgeed inaan wakhti hore oo xaalada qofku khatar sii gaadhin la gaadhsin karin l.

 

Waxaan Shakhsiyan ugu baaqaya Shacabka Iyo Dawlada Qodobadan;

 

1. In shacabku Dhamaantood intii Awooda tagaan bangiga kaydka Dhiiga qaran oo Alle Dartii dadkooda u caawiyaan xaaladan adagna u istaagno in la iswada diro oo qof kastaa Dhiig ku deeqo si xal dhiig la’aanta bangiga kaydka dhiiga looga badbaado.

 

2. Qoys kasta iyo qof kasta uu Dar Alle u caawiyo dadka danyarta ah ee uu garanayo, la jaarka ah, la ehelka ah ama uu ka war helo xaaladooda inay u baahan yihiin taakulayn dhaqaale oo ay iskaga bixiyaan Cusbtaalada la dhigaayo sida kirooyinka sariirta, daawooyinka i.W.M

 

3. In Dawladu muujiso Xil wayn kaalin mug lehna qaadato xaaladan dhinacyada wacyigelinta iyo Badbaada Shacabka oo qorsheyso goobo caafimad oo dheeri ah oo la dhigo bukaanada ay cusbitaaladii ka buuxsameen ee xanuunka u soo dhacaya.

 

4. In ay dejiso qorshe Deg-Deg ah oo dadka aan awoodin dhaqaale ahaan cusbitaalo inay kiradooda iyo daawoyinkooda iska bixiyaan ee danyarta ah lagu siinayo adeegyo Caafimad ee ay u baahan yihiin.

 

5. In Si Heer Qaran ah Xukuumadu ugu dhawaaqdo Olole lagu deeqayo Dhiig oo qof kasta oo awooda uu Dhiig shubo noqdana Mid qaran oo bulshada ay ku jiheeyan iyagu.

 

6. Inay Xaaladan oo bulsho badan warba ka hayn ay indhahooda ku soo jeediyaan oo dhaqaalaha iyo awooda ay gelinayaan waxyaabaha qaar aan bulshada xaaladan ku jirta waxba uga bahnayn ay geliyaan Badbaada iyo wacyigelinta Dadka.

 

7. In La magacaabo Guddi Sare oo Qaran oo Xaaladan Deg-dega ah ee culus Bulshada kala dabaalata wixii awoodena ah iskuguna jirta Dawlada, Axsaabta Qaran, Qaybaha Bulshada iyo Dhakhaatiir cilmi badan u leh sidii loo badbaadin lahaa Xaalada Xanuunkan oo kale bulshada.

 

8. In La sameeyo goob wayn oo Dhiiga lagu kaydiyo oo dadka ku deeqayana deeqda shaqaale ku filana lagu qoro madaamada oo cidhiidhaga uu keenayo goobta oo aad u yar iyo shaqaalaha oo ay ka badan tahay shaqada la doonayo in loo qabto bulshada.

 

Allow naga samatabixi xaaladan.

Sii Faafi Fariintan oo qayb ka noqo Gurmadka Dadkeena.

#Aynu Badbaadino oo ugargaarno dadkeena.

#Badbado Qaran Dadkeena lagarab istaagno dhamaanten.

Luqmaan Maxamed Faarax


Loading...
Loading...