Maxay Uga Dhigantahay Soomaaliya Guushii Koobka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Ee 17 Jirrada?

0
Sunday October 16, 2022 - 10:14:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Uga Dhigantahay Soomaaliya Guushii Koobka Bariga Iyo Bartamaha Afrika Ee 17 Jirrada?

    "Wuxuu ku bogaadiyay maamulka,macallimiinta iyo ciyaaryahannada howsha ay hayaan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu ku bogaadiyay maamulka,macallimiinta iyo ciyaaryahannada howsha ay hayaan."


 

Waxaa Shalay lagu soo gabagabeyay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ciyaar xiiso badan oo u dhaxeysay xulalka da’doodu ka hooseeyso 17-ka ee Soomaaliya iyo Koonfurta Sudaan, taasi oo Soomaaliya ay 3-1 ku garaacday xulka qaranka Koonfurta Sudan.

 

Xulka Soomaaliya ee 17 sano jirrada ah ayaa tartanka ciyaaraha Isreebreebka koobka bariga iyo bartmaha Afrika ee Cecafa, waxaa ay ka dhigeen wacadaro aan caadi aheyn, iyagoo kasoo badiyay xulalka dalalka Itoobiya iyo Ugandha.

Waa markii ugu horeysay oo xulka Soomaaliya ee 17 jirrada ah ay koobkaan guul ka garaan. Garoonka ay ciyaartu ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo dad badan oo taageerayaal ah.

 

Maxamed Barre Maxamuud oo BBC-du la hadashay markii ciyaartu soo dhamaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay guusha ay xulka Soomaaliya gaareen.

"Aad ayaan maanta u wada faraxsanahay haddaan nahay guudahaan shacabka Soomaaliyeed waan dabaal dagaynaa, waa maalin dareenkeennu aad u sarreeyo," ayuu yiri Maxamed Barre.

 

Wuxuu intaa ku daray in ciyaartooyda Soomaaliya ,ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo aad looga soo shaqeyay.

 

Sanadkii 2018-kii xulka 17 jirrada Soomaaliya, ayaa gaaray fiinaalka hase yeshee waa looga guulaystay oo waxaa koobka qaaday xulka dalkaTanzania.

 

Ilaa iyo hadda waxaa baraha bulshada ka socda dabaal degyada ay sameynayaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn ula socday ciyaarta.

 

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay dad u badan dhaliyaro oo lulaya calanka Soomaaliya kuna dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin guusha xulka qaranka Soomaaliya uu ciyaarta ka gaaray.

 

Guushu maxay uga dhigantahay Soomaaliya?

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xulka da’yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay soo hooyeen guul taariikhi ah oo farxad galineysay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba.

 

"Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qarankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiinta kale ee hambalyada u diray, xulka 17 jirrada Soomaaliya, waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo isna ugu hambalyay ciyaartooyada Soomaaliya guusha ay gaareen. 

 

Wuxuu ku bogaadiyay maamulka,macallimiinta iyo ciyaaryahannada howsha ay hayaan.

Fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook, madaxweynihii hore Farmaajo ayuu ku yiri: "Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in niyadda loo dhiso, mar walbana la garab istaago,”.

 

Sidoo kale wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in heerkaan xulka qaranka Soomaaliya ee 17 jirrada ah ay soo garaaan oo ay koobka qaadan.

 

Fariimaha ugu badan ee lagu wadaagyo baraha bulshada ayaa ah hambalayada iyo bogaadinta, wiilasha xulka qaranka Soomaaliya ee galabta ku durduriyay dhigooda dalka Koonfurta Sudaan.

 

BBC


Loading...
Loading...