Xaaladda Xabsiga Holcaya Ee Iran Ee Ay Ku Jiraan Siyaasiyiinta Iyo Ajaanibta

0
Sunday October 16, 2022 - 10:08:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xaaladda Xabsiga Holcaya Ee Iran Ee Ay Ku Jiraan Siyaasiyiinta Iyo Ajaanibta

    "Dadka isticmaala baraha internet-ka ayaa aad uga xumaaday falkaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka isticmaala baraha internet-ka ayaa aad uga xumaaday falkaan"


Dab xooggan ayaa ka kacay xabsiga caanka ah ee Evin ee dalka Iiraan, kaas oo caan ku ah in ay ku jiraan maxaabiista siyaasadda, saxafiyiinta iyo dadka ajnabiga ah.

 

Muuqaallo la soo dhigay  barta internetka ayaa muujinaya holac iyo qiiq ka socda dhismahan ku yaala Tehran, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo.

 

Sarkaal ay soo xiganeyso warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaaladdu ay dejiyeen, balse muuqaallo laga soo duubay xabsiga ayaa u muuqday kuwo muujinaya dabka oo weli sii fidaya.

 

Iran ayaa  waxaa toddobaadyadii lasoo dhafay ka socday dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Waxay dibedbaxyadda bilowdeen bishii hore ka dib markii haweeney 22-jir Iranian ah oo lagu magacaabo Mahsa Amini ay ku dhimatay xabsiga booliiska.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in ay u dhimatay wadno xanuun, balse qoyskeeda ayaa arrintan ka biyo diiday, iyaga oo sheegay in ay booliska anshaxa garaaceen.

 

Weriyaha BBC-da ee Persian Rana Rahimpour ayaa sheegtay in aan weli la ogeyn in xaaladda xabsiga  ka jirto  iyo mudaaharaadyadii dhawaan dalka ka socday ay wax xiriir wada leeyihin. Si kastaba laga yaaba in wax xiriir iyaduna ka dhexeyso sababto ah xabsiga waxaa ku xiran boqolaal qof oo dhawaan lagasoo qabqabtay dibedbaxyadda.

 

Hase ahaate Warbaahinta dowladda ayaa sheegaysa in labadan dhacdo aysan xiriir la lahayn, iyadoo soo xiganeysa sarkaal ku eedeeyay "in dabka ay ka dambeyeen dambilayaal".

 

Muuqalo ay soo bandhigtay kooxda dabagalka dowladda ee ayaa muujinaya dad ku dhawaaqaya "dhimasho haku timado kaligii-taliye" – eraygan oo ka mid ah hal-ku-dhigyada ugu muhiimsan ee dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeeday.

Fiidiyow kale ayaa u muuqda inuu muujinayo walxaha qarxo oo xabsiga laga tuurayo, waxaana markaas la maqlay qarax aad u weyn , sida ay sheegtay BBC Persian.

 

Warbaahinta Iran oo ay si adag u maamusho dowladda ayaa sheegtay in rabshaduhu ay ka bilowdeen qolalka ay ku jiraan maxaabiista loo soo xiray is daba marin maaliyadeed iyo dambiilayaal sar sare ah, iyadoo dowladdu ay sheegtay in dibedbaxyaddu aysan ku lug laheen maxaabiist  arrimaha siyaassada u xiran . wararku waxay intaasi ku darayaan in Siddeed qof ay ku dhaawacmeen rabshadaha xabsiga ka dhacay.

 

Dhanka kale , Shalay oo sabti ahayd Caro xooggan ayaa ka dhalatay muuqaal laga duubay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dalka Iran, oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo weerar ku saleysan faroxumeyn u geystay haweenay ka mid ah dadka ka qayb qaadanayay dibadbaxyada ka socda dalkaasi, xilli ay ciidamadu isku dayayeen in ay xiraan.

 

Dadka isticmaala baraha internet-ka ayaa aad uga xumaaday falkaan, waxaana ay dalbadeen caddaalad, iyagoo ku baaqay inuu is casilo taliyaha ciidamada booliska.

 

Inkastoo qaar ka mid ah baraha bulshada dowladda ay xayirtay, haddana dadka reer Iran weli waxay awoodaan in ay baraha bulshada ku wadaagaan sawirro kicinaya damiirka dadka oo ku saabsan mudaharaadyada ka socda dalkaas.

 

Dalka waxaa gilgilay qalalaase xooggan oo noqonaya kii ugu ba’naa muddo tobannaan sano ah. Bannaanbaxyadan ayaa qaraxy bishii la soo dhaafay ka dib markii ay dadka ka gilgisheen dhimashada gabar 22-jir ahayd oo ka soo jeedday gobolka ay deggan yihiin dadka kurdishka ah ee Iran.

 

BBC


Loading...
Loading...