Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Baajiyey Safar Uu Ku Tagi Lahaa Magaalada Kismaayo Ee Maamulka Jubbaland Iyo Sababta Keentay.

0
Saturday March 09, 2019 - 00:28:37 in News by
  • Visits: 1956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Baajiyey Safar Uu Ku Tagi Lahaa Magaalada Kismaayo Ee Maamulka Jubbaland Iyo Sababta Keentay.

    Raysal wasaare Khayre ayey wararku sheegeen inuu safarkiisa magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaare Khayre ayey wararku sheegeen inuu safarkiisa magaalada Kismaayo

Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa baajiyey safar uu maalinta sabtida ah ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.


Raysal wasaare Khayre ayey wararku sheegeen inuu safarkiisa magaalada Kismaayo u baajiyey geerida ku timid wasiirkiisii arimaha dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Meydka Wasiirka ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho la keeno si aas heer qaran ah loogu sameeyo, waxaana aaska Marxuunka la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxda dalka ugu sareysa, iyada oo raysal wasaare khayre uu magacaabay guddida qaran ee qaban qaabada aaska.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kismaayo u safraya marka uu dhamaado aaska Wasiirkii Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Kismaayo waxaa hada ku sugan wafdi hor dhac u ahaa safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kuwaa oo sii diyaarinayay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre oo xili xasaasi ah tagaya Kismaayo.


Loading...
Loading...