Mareykanka Oo Dhinacdyada Itoobiya Ugu Baaqay Inay Si Degdeg Ah U Joojiyaan Dagaalka Sokeeye
Xoghayaha arrimaha
dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii
Jimcaha ku celiyay mowqifka Maraykanka, isagoo sheegay inay uu aad uga
walaacsan yahay rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan
"Bartilmaameedka aan kala sooc lahayn ee lagu beegsado dadka rayidka
ah".
"Waxaan ku
celinaynaa in dowladda Itoobiya iyo mas'uuliyiinta gobolka Tigray ay si deg-deg
ah u joojiyaan dhammaan colaadaha oo ay si dhab ah uga qayb galaan
wadahadallada nabadeed ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee soo socda,"
ayuu yidhi Blinken.
Ergeyga gaarka ah ee
Maraykanka u qaabbilsan Geeska Africa Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa
magaalada Addis Ababa, booqashadaas oo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu
soo afjaro dagaalka socday ku dhawaad laba sano ee u dhexeeyay ciidamada
Itoobiya iyo xoogagga Tigreega.
Quwadaha reer galbeedka
oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Arbacadii ku boorriyay dowladda Itoobiya iyo
Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) in ay billaabaan wadahadallo nabadeed
oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, waxayna ugu baaqeen dalka deriska ah ee
Eritrea in ay ciidamadeeda kala baxdo goobta dagaalka.
Hammer ayaa wadahadal
kula yeeshay Addis Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda
Demeke Mekonnen, kaasoo "dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in
si nabad ah lagu xalliyo colaadda ka aloosan waqooyiga dalka,” ayay wasaaradda
arrimaha dibadda Itoobiya ku soo qortay barteeda twitter-ka.
Xukuumadda Ra'iisul
Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga labaduba waxay aqbaleen martiqaad ay
Midowga Afrika u fidiyeen si ay u soo fariistaan miiska wadahadalka.
Balse wadahadallo lagu
waday in todobaadkii hore ay ka bilowdaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay,
iyadoo dublamaasiyiintu ay soo jeediyeen in arrimaha qabanqaabada iyo ay qayb
ka yihiin eedda.
Hammer ayaa sheeegay in
dib ugu soo noqoshada ciidamada Eritrea ee Itoobiya ay si weyn uga sii dartay
xaaladda.