Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Yeeshay Gudida Diiwaangelinta Ururada

0
Saturday October 15, 2022 - 14:59:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Yeeshay Gudida Diiwaangelinta Ururada

    WAR-SAAFADEED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR-SAAFADEED


 

Hargeysa-(HWN)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kulankan ayaa ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha.

 

Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ayaa Wasiirka warbixin ka siiyey u diyaar garowga wejigii u danbeeyey ee madax taabashada lagu kala saarayo Ururada cusub, Gudida ayaa Wasiirka u sheegay in ay u diyaar garoobeen  qabashada madax taabashada Ururada,taasoo ka qabsoomaysa  Gobolada dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu mahadnaqay Gudida hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan iyo dedaalkooda, iyadoo ay bishan 21 keeda ay madax taabashadu ka bilaamayso Gobolka Awdal, halka ay 31 bishana ay ku soo dhamaanayso, iyadoo Gobolka ugu danbaynayaa noqonayo Gobolka Sool.

 

Doorka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa ah sugida Amniga, taasoo ah ta ugu muhiimsan, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin,uu wareegto uu saaray ku amray Badhasaabada Gobolada iyo Taliyayaasha Ciidanka Ammaanka in ay la shaqeeyaan Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, taasoo dhaqan-gashay 13-kii bishan.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Gudida u xaqiijiyey in ay diyaar u yihiin Badhasaabada Gobolada iyo laamaha kala duwan ee Amniga, kuwaasoo si toosa ula shaqaynaya Gudida mudada ay socoto madax taabashada Ururadu.

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Loading...
Loading...