Faa'iidooyinka Liin Dhanaanta Iyo Biyaha Kulul Ama Diiran

0
Saturday October 15, 2022 - 11:14:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iidooyinka Liin Dhanaanta Iyo Biyaha Kulul Ama Diiran

    W/Q Raali TV

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Raali TV



 

Liin dhanaanta oo lagu daray biyo Diirran Waxay u wanaagsan tahay caafimaadka qofka.



Halkaan ka akhriso 13 faaido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo Liin dhanaanta.


1-Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya hab dhiska difaaca jirka.


2-Liin dhanaanta waxaa ku jira pectin fiber oo faa’ido weyn u leh caafimaadka mindhicirka weyn, sidoo kalana bakteeriyada la dagaalama.


3-Aroorta hore oo la cabo biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay jirka ka saaraan sunta.


4-Liin dhanaantu waxay daawaysaa qabowga.


5-Liin dhanaantu waxay caawisaa dheefsiidhka waxayna yaraysaa laab dilaaca iyo dibirada.


6-Waxay yaraysaa Macdanta potassium ee ku jirta liin dhanaanta waxay nafaqaysaa unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.


7-Cabista biyaha liin dhanaanta waxay isku dheeli tiraan heerarka pH-ka jirka.


8-Liinta dhanaan waxaa ku jira xadi aad u sareeya oo faytamiin C ah kaaso gacan weyn ka gaysata kicinta iyo sifaynta beerka iyo in suntu raacdo biyaha.


9-Liinta waxay hodan ku tahay vitamin C oo hoos u dhiga laalaabka maqaarka, vitamin C-gu waxa uu dhalaaliya maqaarka waxaana u dilaa bakteeriyada dhalisa finanka.


10-Liin dhanaantu waxay carfisaa afka, waxayna yaraysaa ilko xanuunka iyo yiridka.


11-Biyaha liin dhanaanta waxay hagaajiyaan caafimaadka indhaha.


12-Cabista biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay hoos u dhigaan miisaanka jirka.


13-Waxaad u baahantahay koob biyo diiran ah, korka uga tuuji 1 ama 2 xabo oo liin dhanaan ah.

 

W/Q Raali TV

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...