Qaabaynta Siyaasada Arimaha Dibada (Formulating Foreign Policy)

0
Wednesday June 12, 2019 - 11:06:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabaynta Siyaasada Arimaha Dibada (Formulating Foreign Policy)

    12/6/019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

12/6/019

Siyaasada arimaha dibada waxaa layidhaahdaa  amaba lagu qeexaa xidhiidhka iyo  arimaha kaala dhaxeeya dal kale amaba aduunkaba ,waxayna xooga sartaa dahanha dalku leeyaahay iyo qorshaha uu dalku ka leeyahay ilaalinta danahiisa gaarkaa. Iyo hadafka lagu gaadhayo xidhiidhka caalamigaa (intranational relations)



Siyaasada arimaha dibadu waxay aad u soo shaacbaxday kadib heshiiskii (Westphalia )  ee dhamaadkii dagaalkii kowaad ee aduunka iyo kii labaad, taas oo  nidaamka isku xidhka caalmku sameeyey horumar (development )  kaas oo uu sare u kacay  iskuxidhka iyo isdhexgalka  umadaha caalamka (nation states )


Aasaasidii UNka iyo tirtiridii  gumaysaga iyo xoroobidii umado badani ka xoroobeen gumaystayaashii iyo abuurmidii xuduudaha  iyo xasaanadaha (sovereign ) ayaa siisay awood  caalaamka amaba umadaha is in ay is dhexgal ( interrelationships)   uuna abuurmo wax  iswaydaarsi


Dal aan lahay siyaasad arimodibadeedna waxaa la odhan karaa "waa markab dhex socda badwayn jiheeye  la aan’ siyaasada dibadauna waxay  dalalka ku hogaamisaa in ay danahooda ka raadsadaan  dalal kale  iyo goob wanaagsan


Siyaasada arimaha dibada waxaa kale oo la odhan karaa " waa dhaqdhaqaaq isku xidhan oo raad kuleh umadaha (communities ) kaas oo lagu bedelo dabeecadha (behavior ) dalall  kale ,waxaa kale oo la odhan karaa waa " siyaasad u jeedadeedu tahay in la bedelo dabeecadaha (behavior ) iyo jiritaanada dalalkale”


Tusaale ahaan .dalka layidhaahdo Gambia waxuu  go aan ku gaadhay in ay xidhiidhka dublamaasiyadeed u jrto Taiwan , tiiyoo mudo badaan lahayd xidhiidh , hadan waxay qaadatay in ay calaaqaadkaas joojiso iyadoo eegaysa (national interest ) waayo Gambia waxay bedeshay calaaqaadkaas ,sabtoo ah waxay eegtay xidhiidhkii ay lahayd shiinaha (China)  sidaas darted siyaasad arimaha dibadu waxay joogtaysaa xidhiidhada iyo calaaqaadka umadah amaba bedeshaa,


Sikastaba ha ahaatee , siyaasada arimha dibadu waxay ka kooban tahay go aan ,iyo ficil , taas oo raad ku leh xidhiidhka uu dal laleeyhay dal kale, waxaa kale oo siyaada dibadu raad ku leedahay ficilada ka dhaca xuduudaha dalalka caalamka, badanaana arimaha dibadu waxay ku tacluqdaa waxii didaba ka aha dalalka, waxaa kale oo la odhan karaa arimaha dibada " waa siyaasad lagu gaadho hadafka laguna xaqiijiyo  (goals)  aanad ku cadaadisid si aad u heshid danahaaga,(interest)


Hadaba si aynu u ogaano  jilayaasha (actors ) iyo kooxah caalamigaa ( intranational groups) iyo jilayaasha caalamigaaba (intranational actors ) waa in aynu tixgalinaa sadexdan waxayaabood ee kala ha

·      

END (meel ay ku dhamaafo ,oo aha aragti kusalaysan (vision ) natiijada iyo  danaha aad ka leedahay dalka kale iyo jilayaasha (actors )

·      

Way ( jid loo maro amaba dariiq loo raaco oo ah siyaasad (strategies ) iyo fikrado (ideas) ku xidhan farsamo dublamaasiyadeed ( diplomatic tactics) iyo qasbid (coercion ) iyo dabgal  danahaaga gaarkaa

·       Means ( waa in uu dalku leeyhay waxyaabo muhiim iaha arimahiisa dibada sida ,dhaqaalaha (economic) iyo military )

 

Idaas darted siyaasada arimaha dibadu waxay saamayn ku leedahay siyaasada caalamigaa ,(international )    mid gudhaa (domestic politics  ) kuwaas  oo midiba mida kale ku xidhan tahay amaba ku tiirsantahay ( interdependent ) oo midiba mida kale ku fatahdo.

Sidaas darted ingoo mid mid ukala qaadi doona ,domastic iyo foreign policy , Lasaco usbuuca danbe,

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...