Mudane Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyey Hagardaamo Ay Dawlada Dhexe La Daba Joogto
Mudane Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyey Hagardaamo Ay Dawlada Dhexe La Daba Joogto
Xildhibaan Yaasin Cumar Yare oo ka tirsan golaha deeganka Hargeysa ayaa sheegay in golahooda deeganku doonayeen horumar inay sameeyen balse cagta la hayo muddo badana u samrayeen oo ay ka aamusnayeen golahooda deeganku.
Yaasin ayaa si gaar ah ugu eedeyey Wasaarada Hawlaha guud Somaliland oo uu sheegay inay tahay Cudurka Macaanka oo kale oo ay la nool yihiin tahayna cida cagta haysa oo shaqadoodii Farogalinta ku haysa.
Xildhibaanka ayaa si adag uga soo horjeestay dhulka barriga Hargeysa ee dhawaan la dhagax dhigay ee xukuumadu ku sheegtay inuu noqonayo Aaga Warshadaha Gobolka Maroodijeex, waxaanu ku tilmaamay arrin aan la qaadan karin qorshahaas madaama oo dhulka dad shacab ay leeyihiin. By xildhibaan Yassin Omar Yare.
![]() |
Loading...
Loading...