Ciraaq Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub

0
Friday October 14, 2022 - 15:04:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub

    "Sharciga Ciraaq ayaa u ogolaanaya Latif 15 maalmood inuu ku soo magacaabo ra'iisul wasaare"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sharciga Ciraaq ayaa u ogolaanaya Latif 15 maalmood inuu ku soo magacaabo ra'iisul wasaare"


Baarlamaanka Ciraaq ayaa Khamiistii u doortay Abdul Latif Rashid inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaas, iyaga oo ka dhaga adaygay hanjabaadaha rabshado kale kadib weerarro gantaallo ah subaxnimadii hore lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ee aagga cagaaran.

 

Baarlamaanka Ciraaq ayaa gaaraya 329 kursi. Latif oo 78 jir ah ayaa helay 162 cod oo ka mid 261 cod.

 

Sharciga Ciraaq ayaa u ogolaanaya Latif 15 maalmood inuu ku soo magacaabo ra'iisul wasaare.

 

Nidaamka awood qaybsiga Ciraaq, madaxweynaha ayaa loo dajiyay kooxaha Kurdiyiinta si ay u soo magacaabaan, halka xilka Ra'isul Wasaaraha uu hoos yimaado kooxaha Shiicada ah. Guddoomiyaha baarlamaanka waa Sunni.

 

2003-dii ilaa 2010-kii waxa uu madaxweynaha cudu ahaa Wasiirka Kheyraadka Biyaha, tan iyo xilligaasna waxa uu ahaa la-taliyaha Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha xilka ka degaya Barham Saalix ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga baxay xarunta baarlamaanka kadib markii la tiriyay codadka, isaga oo ku daraystay inuu helo codad ka badan 99 cod.


Loading...
Loading...