Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah U Dirtay Ireland
Dowladda Itoobiya ayaa
diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland oo ku saabsan mowqifkeeda dagaalka
labada sano ka socda dalkaas, ayada oo ku eedeysay cadaawad kana digtay inuu
go’i karo xiriirka diblomaasi ee labada dal.
"Ireland waxay si aan
kala joogsi laheyn oo xooggan u waxyeeleyneysay Itoobiya labadii sano ee
tegay,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri Redwan Hussein oo ah
la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
"Codsigii dowladda ay
sameysay markii ugu dambeysay waa la diiday oo dhegaha laga fureystay. Sidaas
darteed, waxaa waajib ku noqotay inay kama dambeys rasmi ah toddobaadkan u
dirto dowladda Ireland,” ayuu yiri Redwan isaga oo aan bixin faah-faahin.
Redwan ayaa xiriirka
labada dal ku qeexay inuu joogo "halkii ugu hooseysay.”
Ma cadda waxa dhaliyey
carada ka dhanka ah Ireland oo hadda ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah
Golaha Ammaanka QM.
Codsi ay wakaaladda
wararka AFP u dirtay safaaradda Ireland ee Addis Ababa lagama jawaabin.
Bishii November ee
sanadkii tegay, Itoobiya ayaa amartay cayrinta afar ka mid ah lixda diblomaasi
ee Ireland ee Addis-Ababa.
Wasaaradda Arrimaha
Dibedda Ireland ayaa xilligaas sheegtay in mas’uuliyiinta Itoobiya ay muujiyeen
in go’aankaas loo qaatay "sababo la xiriira mowqifyada Ireland ee masraxyada
caalamiga ah ee ku aadan dagaalka iyo xasaradaha bani’aadannimo ee dalka Itoobiya.”
Cayrinta ayaa timid
saddex toddobaad kadib markii Ireland ay ku biirtay Golaha Ammaanka kuna
baaqday xabad-joojin laga sameeyo dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas,
islamarkaana ay wadahadlaan dhinacyada dagaaalamaya.
Bayaan ay baahisay
warbaahinta Fana, ayey wasaaradda arrimaha dibeda Itoobiya ugu baaqday Diblin
"inay faraha kala baxdo cadaawadda ka dhanka ah Itoobiya.”
Waxay ka ashtakootay in
intii ay tageeri laheyd dadaallada dowladda ay kusoo afjareyso dagaalka u
dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF, "ay Ireland sii waddo inay
Itoobiya weerarto ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka QM,
Midowga Yurub iyo meelo kale.”
Waxay sheegtay in
Ireland "ay u muuqato inay damacsan tahay inay xoojiso TPLF kuna baaqeyso
ficillo ka dhan ah Itoobiya ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha
Ammaanka.” Waxay sidoo kale ku eedeysay Dublin inay hortaagan tahay dadaalalda
ay Addis-Ababa ku hagaajineyso xiriirka Midowga Yurub.
"Ayada oo ay tahay
isku daygii ugu dambeeyey, waxaan heli karnaa fursad aan kaga wadatashano
haddii ay jirto rabitaan wadajir ah oo aan ku raadineyno xiriirkeena
diblomaasiyadeed," ayay wasaaraddu ka digtay.
Xiriirka Addis Ababa
iyo Brussels ayaa u xumaaday sababo la xiriira dagaalka oo qarxay November
2020, islamarkaana tan iyo markaas dilay tiro dad ah oo aan la sheegin,
islamarkaana dhaliyay xasarad bini'aadannimo oo weyn.
Ireland, oo xiriir
diblomaasi la lahayd Itoobiya tan iyo 1994, ayaa hadda ka digta in loo safro
meelo badan oo Itoobiya ah oo ay ku jiraan Tigray iyo gobollada deriska la ah
ee Canfarta iyo Amxaarada.
VOA