Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Mashruuc Xukuumada Muuse Ku Bixisay 500 Oo Milyan Oo Baaqday

0
Friday October 14, 2022 - 14:29:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Mashruuc Xukuumada Muuse Ku Bixisay 500 Oo Milyan Oo Baaqday

    "Furihii Somalia +252 weli mallaga bedelay Somaliland ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Furihii Somalia +252 weli mallaga bedelay Somaliland ?



 

Hargaysa (HWN) Xoghaye Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay mashruuc xukuumada Muuse Biixi ay u qoondaysay inay ku baxayso fulintiisa 500,000,000 SLSH oo aan la fulin, waxaanu xoghayuhu iswaydiiyay halka ay martay lacagta xukuumadu sheegtay inay ku fulinayso mashruucaa aan fulin, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay xoghayuhu:-

 

"Furihii Somalia +252 weli mallaga bedelay Somaliland ?

Mashruucan Sannadkii hore ayuu Wasiirka Isgaadhsiintu keenay, waxa layna yidhi Somaliland ayaa laga beddelayaa +252 oo ah furaha dalka Somali. waxa loo qorsheeyay 500,000,000 SLSH, Shantaa Boqol ee Milyan halkee la mariyey? deadline-ka shaqadu wuxuu ahaa 31-December-2021, Sannad kadib malla bedelay furihii +252 ? maxaa lagu qabtay lacagta xaddigaa leh ?” ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme



No description available.
Loading...
Loading...