Madaxweyne Muuse Wuxuu Somaliland Ka Abaabulayaa Dagaal Sokeeye, Maryo Allooleyn Iyo Suuf Allooleyn.
Dal haddii laga waay
doorashooyin xor iyo xalaal ah oo wakhtigooda ku qabsooma, Xisbiyo badan,
xoriyatul qowl, ilaalinta xuquuqul insaanka, saxaafad xor ah, Hay'ado dowladeed
oo kala madax banaan, dalkaas laguma sheegi karo dal dimoqraadi ah.
Intaan askartu xukunka
qaban, waxaa jirtay in marar badan
Somaliland qarka u gaadhay ictiraaf iyo in marka magaceeda caalamka laga maqlo lagu sheegi jirey Jowharadii ka dhex
ifeysay geeska Afrika.
Maanta caalamku wuxuu
Somaliland u yaqaanaa meel Digteytar ka taliyo, meel aan laga ogoleyn doorasho,
xoriyatul qowl, xisbiyo badan, mudaharaadyo salmi ah, saxaafad xor ah,
maxkamado ka madax banaan xukuumada, ilaalinta xuquuqul insaanka iwm.
Caalamku wuxuu arkaa
dastuurkii oo la iska tuuray oo dalkii wareegto koox yari ku xukunto, madaxdii
xisbiyada oo la xidh xidhay, saxaafadii oo albaabada loo wada laabay ,dhaqankii
oo jeelasha ka buuxa, hablihii oo suuqa lagu garaacayo, raggii oo xiniinyaha
laga bixinayo, dad shacba ah oo aan hubeysneyn oo la xasuuqay. Caalamku wuxuu
qiray in maanta Somaliland la derajo tahay Kooriyada waqooyi, askarta xukuntaana
la mid yihiin kuwa xukuma dalkaas.
Muuse iyo kooxdiisu, si
dalka ay u xukumaan doorasho la'aan, waxay abaabulayaan inay dalka ka ridaan
dagaal sokeeye oo la mid ah 1994. Waxay
rabaan inay reer Somaliland ku jiheeyaan beel ka mid ah beelaha Somaaliland.
Waxay ururinayaan wixii la odhan jirey Marya-allool, si ay shacabka uga
jeediyaan Digteytarnimadooda, doorasho diidkooda, cadaalad darradooda, eexda,
kala qeybinta shacbka, gaajada, xudurka,
xadhiga, cabudhinta siyaasiyiinta iyo saxaafada iyo xasuuqa shacabka iwm.
Beesha
dhexe.
Askarta dalka ka
talisaa, ma kala jecla qabaailka beesha
dhexe, laakiin waxay rabaan inay qeybo ka mid ah ka dhigtaan sallaan dalka ay
ku xukumaan abid, si taas ay u gaadhaana waxay abaabulayaan dagaal sokeeye ay
iskaga horkeenayaan beesha dhexe. Waxay
qorshaynayaan inay beelaha qaar ku jiheeyaan beel ka mid ah beesha dhexe. Waa 3
dii Dibi ee midba mar la cunayey.. Xidiis ayaa ahaa qofka muslimka ah hal god laba jeer lagama
qaniino. Dib u xusuusta wixii dhacay
1994.
Beesha
Garxajis. Jugta weyne waa xaggiina.
1988 markii SNM dalka
soo gashay waxay ku soo horeysay magaalada Burco, iyadoo qorshuhu ahaa in marka
Ciidamada Hargeysa iyo nawaaxigeeda Siyaad Barre u jooga ay u gurmadaan Burco
oo ciidamada laga fududeeyo Hargeysa, dhowr maalmood kadib Hargeysa la galo.
Markii guutadii u
horeysay oo gurmad ah Hargeysa iyo agagaarkeeda laga raray, qaar kalena la rabo
in la raro ayaa waxa ogaaday Cali Samtar oo khabiir ahaa, wuxuu la soo hadlay
Moorgan, wuxuu ku yidhi caano beele jooji gurmadka aad direyso ”Jugta weyni waa
xagaaga”. Wuxuuna gurmadkii ka amray gobolada dhexe. Haddii aan Cali Samatar arrinta soo faragelin
lahayn, SNM Hargeysa oo bilaa ciidan ah ayey soo geli lahayd.
Taas waxaan uga jeedaa,
maanta Garxajisow Jugta weyni waa xagiina. Muuse, Saleebaan iyo M. Kaahin waxay
rabaan inay fuliyaan qorshihii 1994 ina Cigaal ka dhiciseeyey. Muuse wuxuu hore u yidhi ”Beelahaasi waa Somaliweyn, M.Kaahina wuxuu yidhi
”Argagixiso af dooban ayey Hargeysa ku dhex haystaan ”. Cabdilaahi Abokor wuxuu yidhi ”Inaad buurta
aadaan ka badan ma samayn kartaan" Waxaas oo dhan waxay muujinayaan in la rabo in dhiigooda la
banaysto ama aad aqbashaan in
ragaasi yihiin muwaadiniinta derajada 1 aad (First class
citizens). Idinkuna muwaadiniinta derajada 2aad (Second class citizens).
Siyaasi Cali Gurey
wuxuu hore u sheegay, inuu jiro abaabul ah in dib boodhka looga jafo Suuf
alooleyntii, shaqadaas abaabulkeeda waxa Muuse uga wakiila oo si xowli lah u
wada rag ay ka mid yihiin, Saleebaan Gaal, M.Kaahin, Cali Mareexaan, Xinif,
Maxamud Xaashi (Kulmiyaha Niqaaban), Samaale, Cabdilaahi Abokor iyo rag kale,
qorshaha raggaasi wataa waa in laga saxeexo in Garxajis aanu dib dembe ugu
hunguroon kursigaas madaxtooyada yaal ama weerar ay u diyaar garoobaan sidii
1994.
Waxaad arkeysaa kooxaha
Muuse Biixi u adeegsado taageerayaashiisa cayda iyo sharaf dilka dhaqanka iyo
bir ma geydada Garxajis ee xeer iyo sharci qabtaa aanu jirin, si dadka loogu
dhiiri galiyo inaanay shiikh iyo shariif midna u dhaafin.
:Waxaad arkeyseen Ku
Jare oo leh ” Jaamac Shabeel waa sakhraamay markuu hadlayey oo khamrigii ayuu
iska badiyey.
:Waxaad arkeyseen Indho
indho oo leh ” Cirro waa nijaas"
:Waxaad arkeyseen Buuni
oo leh ” Cirro iyo Feysal guryaha ay ku soo koreen ayaa xumaa". Deero
Deero miyey u hirdiday ? Maxkamad ma looga
yeedhay ? Dabagale ma soo xidhay ? Maya,
waa la dallacsiiyaa qofkii siyaasi Garxajis ama Suldaan Garxajis soo aflagaadeeya oo sharafta ka soo qaada.
Waxa jira kuwo kale oo
heyb idinla sheegta oo Muuse u adeega ee ka shaqeeya dulleyntiina iyo kala qeybintiina,
kuwaasoo dantooda gaar ka ah u burburinaya qabkiina, sharatiina iyo
cirdigiina. Ragaas uu hormuud u yahay
Siciid Sulub waxa ka mid ah, Gaboose,
Daamur, Waran Cade, Dabagale iyo kuwo kale oo badan, qoomkaasi ma aha idinka ee waxay ka shaqeynayaan oo qeyb ka yihiin shirqoolka Suuf allooleynta iyo dulleyntiina. Waxay ku
qanacsanyiin In Muuse oo Saleebaan gaal kaligiis ka dhigay madaxweyne 2 sannadood aad daba gashaan.
Kooxdaasi waxay rabaan in labadii Xisbi Mucaarid khadka
laga saaro iyagoo eeganaya sandareerto yar, xaalkooduna wuxuu la mid yahay kuwii dhuumanayey ee dhabarku
muuqday, ama ha yeelaan ama ha diidaan
waxay ku gowracanyiin beeshooda, waxayna ka mid yihiin muwaadiniinta derajada 2
aad (Second class citizens). Waa haddii qorshaha Muuse Biixi hir galo.
Siyaasiyiinta
darafyada.
Carabkii meesha lagu
dagaalamay ee meydku tira beelay yimid ee Bowlada (Afar Gambo) ka helay jeebka
meydka wuxuu yidhi ”Alxamdulilaah kullu xarakah lahaa baraka) . Siyaasiyiinta
Darafyadu dab kasta oo siyaasadeed ee ka dhex qarxa beesha dhexe waxay ka
shaqeeyaan inay bansiin ku sii shubaan, waxayna ku shaqeynayaan siyaasada ah
nin jiifa lama legdo oo waxay leeyihiin Somaaliland haday jirtona waxba kuma
haysano, haday burburtana waxba naga khasaari maayaan.
Waxaad arkeysaa iyagoo
dhinac kasta u ridaya oo is kacaameynaya oo iska dhigaya inay Muuse Biixi la
jiraan, laakiin arrinku sidaas ma aha. Koore, indho indho, Ataash, Samatar,
Buuni, Seed, Saajin, dhamaantood waxay ku howlanyiin sidii macaash uga dhex
raadin lahaayeen qarax ka dhex dhaca siyaasiyiinta beesha dhexe.
Xilligii kacdoonka Uffo
ee Hargeysa ayaa Siyaad Barre soo diray niman reer waqooyi ah, wakhtigaas Somaliland ma jirin oy ka mid
ahaayeen ina Saleebaan Dafle iyo ina Laxwas. Reer Hargeysa waxay nimankaas kala
hor yimaadeen mudaharaado waaweyn. ”Dafle iyo Daylo dhabe, iyagaaba dulmane
maxay doonayaan ” ayaa ka mid ahaa qoraaladii lagu soo dhaweeyey.
Haddaba nimankaasi
iyagaaba dulmane maxay doonayaan ? Intay
u doodi lahaayeen deegaanadooda xaqiran , intey ka hadli lahaayeen saami
qeybsiga iyo dastuurka dhinaca ka raran, intey raadin lahaayeen inay la xuquuq
noqdaan kuwa heysta Madaxweynaha, Maaliyada, arrimaha debeda, arrimaha gudaha,
Maxkamada dastuuri, Baanka, 3da Xisbi qaran, iyo 58 wakiil baarlamaan oo ka mid
ah 82 wakiil, intay dhamaystiri lahaayeen hadafkii Marxuun Cali Khalif ee ahaa
in la helo Somaliland la wada leeyahay, ayey shaqo ka dhigteen fidno abuur iyo
inay war, isku dir iyo jaajuusnimo la dhex wareegaan Somaliland iyo inay isku
diraan siyaasiyiinta beesha dhexe ee
Somaliland.
Muuse Biixi waa
ogyahay inay u munaafaqeynayaan ee
dadkooda iyo iyaguba aanay ku qanacsanayn caddaalad darrada Somaliland taalla,
laakiin wuxuu isticmaalayaa xigmada ah, qofkii weji been ah kugula socda, qosol
beenaa lagula socdaa.
Siyaasiyiintaas waa
ogyihiin in Somaaliland sharcigeedii iyo dastuurkeediiba la iska tuurey,
madaxweynaha xukumaana uu yahay ninkii yidhi ”Awoowayaashood anaa ka adkaa oo
leyn jirey". Wey ogyiin inuu maanta ka taliyo Somaliland Madaxweyne
Hal nin doortay, laakiin waxay Muuse u taageerayaan waa in marka beesha dhexe
isku jabto ay jeebabkooda baadhaan.
Taas bedelkeeda waxa
uga wanaagsanaan lahayd inay xuquuqdooda si sharci ku doontaan oo musaalaxo ka
shqeeyaan oo sharciga iyo dastuurka u hiiliyaan . Ragaas garasho la'aan ma
hayso ee hagarbaa ku jirta. Waxaana lagula talinayaa odayaashaas in dhiig daata
aanay nacfi ka dhex raadin. Ama yeela
ama is diidsiiya waad ogtihiin inaad tihiin muwaadiniinta derajad 3 aad ( Third
class citizens).
Ugu dembeyn, Muuse iyo
kooxdiisu waa ogyiin in reer Somaaliland aanay Madaxweyne ugu yeedheyn 13 November kadib, sidaas darteed, waxa u
gudboon inay Somaaliland dagaal sokeeye geliyaan oy burburiyaan iyo inay sharciga
ku soo noqdaan oo wax la isla ogolyey keenaan 13 November ka hor.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!