Xildh. Soo Jeediyay In Isha Lagu Hayo Xidhiidhka Xukuumada Muuse Sheegtay Inay La Leedahay Somaliya

0
Friday October 14, 2022 - 09:01:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xildh. Soo Jeediyay In Isha Lagu Hayo Xidhiidhka Xukuumada Muuse Sheegtay Inay La Leedahay Somaliya

    "Hadaba, tani waxay markhaati cad u tahay wajiga dhabta ah ee Xukuumadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaba, tani waxay markhaati cad u tahay wajiga dhabta ah ee Xukuumadda"



Hargaysa (HWN)  Xildhibaan Xasan Ogaal oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay  xukuumada Muuse Biixi Jariimad cad ka gashay Bulshada Somaliland.

Xildhibaanka oo daba socday hadal ka soo yeedhay wasiir Cali Mareexaan ayaa yidhi:-

 

"Wasiirka Biyaha ee Xukuumadda Muuse Biixi, wuxuu inoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh dabka ka riday sidii uu ula soo xidhiidhaayay oo uu caawimo gurmad ah waydiistay, wakhtigii ay Farmaajo is haystee, inaga oo ogayn in Muuse iyo teemkiisu ku soo ololayn jireen madaxda Waddani xidhiidh dhaw ayay la leeyihiin Madaxda Soomaaliya oo ay ugu dambaysay  in Wasiirka Arimaha Gudaha, Mudane Kaahin uu lahaa Xisbiga Waddani ayaa ciidan ka keenay Soomaaliya.

 

Hadaba, tani waxay markhaati cad u tahay wajiga dhabta ah ee Xukuumadda muddo xileedkeedu sii dhamaanaayo ee Kulmiye oo inoo sheegtay inay dhisaysay Mudane Xasan sheekh, madama oo ay imika u cabanayso, waana mid dhukmadeeda leh oo u baahan in isha lagu hayo xidhiidhkaas ay sheegeen inuu jiray, waxaana muuqata in Xukuumaddu jariimad cad ka gashay Umadda Somaliland, madama oo aynu ka warqabno dad shicib ah oo ay u xidh-xidhay muqdisho ayaad tagteen.”


Loading...
Loading...