Xanuun Xoolaha Ku Dhaca Oo Ka Dillaacay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya

0
Friday October 14, 2022 - 08:25:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuun Xoolaha Ku Dhaca Oo Ka Dillaacay Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya

    "Sidoo kale waxay dadka deegaanku sheegeen inay abaartu saamayn ku yeelatay xoolaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxay dadka deegaanku sheegeen inay abaartu saamayn ku yeelatay xoolaha"


Shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka Tuli iyo Owbarre ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa cabasho ka muujiyay xanuun cusub oo xoolaha soo ridanaya iyadoo dhanka kale shacabku ay walaac ka qabaan raqda xoolo badan.

 

Xoolahan ayaa yaalla goobo oo kamid ah deegaanada ay ku noolyihiin, waxayna sheegeen in arrintan ay ka dhalan karaan xanuunno saameyn kale ku yeelan kara xoolaha kale ee caafimaadka qaba iyo bini'aadamkaba.

 

Sidoo kale waxay dadka deegaanku sheegeen inay abaartu saamayn ku yeelatay xoolaha, iyagoo  dawladana ka codsaday inay gar gaar degdeg ah ufidiso xoolo dhaqatada.

 

Masuul ka tirsan Dawlada oo la hadlay idaacada VOA-da ayaana sheegay inay soo xaqiijiyeen cudurada xoolaha ku dhacay haatana ay ku hawlanyihiin sidii ay xoolahaasi dawaayin ugaadhsiin lahaayeen

 

 

 


Loading...
Loading...